Koobkii Yurub oo hadda bilaabmay, Faransiiska iyo Roomaaniya ayaa lagu furay

 

Koobkii 15aad ee Qaramada Yurub ayaa xafladdiisii goor dhawayd lagu soo gabobabeeyey magaalada Paris.

Markii koowaad ayaa 24 dawladood ku tartamayaan iyadoo laga soo bilaabo 1996-kii ay ku tartami jireen 16 kooxood.

Labadii koob ee ugu dambeeyey waxa ku guulaystay qaranka Spain sannadihii 2008 iyo 2012.

10-kii May 2010-kii ayuu dalka Faransiisku ku guulaystay in uu noqdo waddanka martigelinaya koobka Yurub kadib markii uu tartan kaga adkaaday Talyaaniga iyo Turkiga.

Waxa ka qayb-galay madaxda FIFA iyo Madaxweyneha Faransiiska Francious Hollande. Waa markii saddexaad ee Faransiisku marti-geliyo koobka Yurub iyadoo uu hore u martigeliyey 1960-kii iyo 1984-kii.

Xafladda Furitaanka waxa lagu bilaabay Faransiiska iyo Roomaaniya.