Leicester City oo ku guulaysatay horyaalka Ingiriiska

Kooxda Leicester City oo sannadkii hore ka mid ahay kooxaha ugu hooseeya wareega horyaalka ayaa waxay ku guulasatay horyaalka Ingiriiska. Kooxda Leicester City ayaa waxay dhigtay taariikh weyn oo ah in ay qaaday horyaalka Ingiriiska iyadoo sannadkii hore ka mid ahayd saddexda kooxeed ee ugu hooseeyey horyaalka.

Kadib markii kooxda Chelsea ay xalay barbaro galeen kooxda Tottenham oo ahayd kooxda ugu dhow ee ku soo xigta kooxda Leicester City.

Rajada Leicester ay ka qabtay koobka bilawgii xilli ciyaaraadkaan ayaa waxa uu ahaa mid aad hooseey, balse markii dadaal badan sameeyeen ayaa waxa u rumooday in ay qaadaan horyaalka.

Waxa laga badiyay saddex ciyaarood xilli ciyaareedkan taas oo lagu tilmaamay wax cajiib ah.

Kooxaha ugu soo dhawaa ee Spurs, Arsenal, Manchester City iyo Manchester United iyo Kooxda Chelsea oo koobka difaacanaysay ayaan midkoodna u soo dhawaanin kooxda lagu naanayso dawacooyinka.

Marka laga hadlayo kubadda Ingiriiska, Leicester in ay koobka qaado waa guushii ugu waynayd ee abid waxaana u malaynayaa in taasi aan laga gudbi Karin, sidaas waxaa BBC Sport u sheegay Robbie Savage oo horay khadka dhexe uga dheeli jiray Leicester City.

Waa wax cajiib ah waana mid bog cusub u furaysa horyaalka Ingiriiska ayuu sii raaciyay.

Kaddib markii Leicester ay 1 iyo 1 barbaro la gashay kooxda Manchester United axaddii, Tottenham waxay u baahnaayeen in ay saddexda ciyaarood ee u dhimanba ay badiyaan.

Laakiin rajadoodii waxay soo af jarantay markii ay barbaro la galeen Chelsea oo ay xifaaltan leeyihiin magaalada London-na ay ka wada dhisanyihiin.

bandhige@gmail.com