Madaxweynaha dalka Gabon, Ali Bongo oo mucaaridka ay ku eedeeyeen in uu doorashada ku shubtay ayaa waxa uu maanta diiday baaqyo ku saabsan in codadka doorashada madaxtinimo ee dalkaas dib loo tiriyo, isaga oo sheegay in aanu lahayn awood uu ku amro in sidaas la sameeyo.
Kormeerayaasha Midowga Yurub ayaa sheegay in ay muuqato sharci-darro ka dhacday natiijada muujisay in Bongo uu si dirqi ah kaga adkaaday Jean Ping oo la tartamayey.
Kormeerayaasha ayaa suโaal ka keenaya natiijada gobolka Upper Ogooue ee uu Bongo ku xooggan yahay, taasi oo muujineysa in uu ku guuleystay 95% codadka doorashada iyo in 99% dadka ay codeeyeen.
Mucaaridka ayaa ku dooday in tirada codadka gobolkaas laga badiyey xaqiiqda.
Bayaan kasoo baxay ayay Midowga Yurub ku sheegeen in tirada dadka codka dhiibtay ee sideedada gobol ee kale ee dalka ay aad uga yar tahay tan gobolka Upper Ogooue, ayna cel-celis ahaan yihiin kaliya 48%.
Bongo, ayaa si kastaba sheegay in maxkamad dastuuriga ah ay tahay tan kaliya ee amri karta in codadka doorashada dib loo tiriyo, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
โWaa in ay dadka I weydiiyaan in aan sharciga ku dhaqmo, kuma xadgudbi karo sharciga, marka ay timaado dib u tirinta codadka, waxaa taas amri kara kaliya maxkamad dastuuri ah.โ