Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in kooxaha fallaagada Suuriya ay si khaldan u isticmaalayaan xabbad joojinta haatan ka jirta dalka oo ay dib isugu abaabulayaan.
Waxa uu sheegay in Maraykanka, oo taageero kooxo ka mid ah fallaagada, uu aad diiradda u saarayo sidii ay ku sii xoogaysan lahaayeen awoodooda milateri intii uu u kala saari lahaa qunyar socod iyo xagjir, taasi oo aheyd ujeedka xabbad joojinta dhaqangashay maalintii Isniinta.
Putin ayaa sidoo kale ugu baaqay Washington in heshiiska xabbad joojinta la shaaciyo.
Waxaa jira xiisado sii kordhaya oo u dhaxeeya quwadaha waa weyn oo ku aaddan doorka fallaagada iyo dib u dhaca ku yimid gargaarkii la gaadhsiin lahaa dadka ku nool deegaanada go’doonka ku jira.
Waxaa soo ifbaxay muuqaal muujinaya kooxda Free Syrian Army oo eryaysa ciidammada gaarka ee Maraykanka ee ku sugnaa magaalada Raaci ee waqooyiga Suuriya, iyagoo ugu yeedhaya “kufaar”.
Wasaaradda Gaashaandhiga Marakanka, ee Pentagon-ka, ayaa Jimcihii sheegtay in tobannaan ka tirsan ciidammada Maraykanka la geeyay xudduuda Turkiga kuwaasi oo uu Turkigu codsaday, si ay ula dagaalamaan maleeshiyaadka la baxay Dawladda Islaamiga ah.