Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka qayb-galay shirka Tiknoolajiyada Somaliland oo ka furmay maanta Hargeysa

Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qayb-galay shirka Tiknoolajiyada Somaliland oo ka furmay maanta Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Shirkaas oo ah shir sannad kasta ay Qabato Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda JSL kaas oo lagu gorfeeyo Teknoolojiyadda.

Madaxweyne ku-xigeenku Waxa uu ku amaanay Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Dr. Abdiweli Abdillahi Soufi iyo Wasaaraddiisuba agaasimka ay soo agaasimeen shirkan qiimaha badan sannadkii labaad iyadda oo ay adkayd in shir noocan oo kale ah la qabto xilligan adag ee uu jiro xanuunka COVID-19, taas oo cadaynaysa sida ay uga go’an tahay in Sector-kani hore u marro.