Mudankii Uun’kow Udgoonaw Rasuulkii Q.3aad (WQ: Axmed Cali Kaahin)

Waxa dhacday in Rasuulka Salalaahu Calayhi Wasalam in isagoo geed hoos hurda seeftiina sudhay geed  yarana seexday soo baraarugay nin dul taagan oo aanu dhaadayn, wuxuu yidhi Salalaahu Calayhi Wasalam ninkani wuxuu qaatay seeftaydii wuxuuna yidhi waa iga kaa horjooga, waxaan ku idhi Allaah seeftii baa ka dhacday waana kan fadhiya, haddana muu ciqaabin raxmadiisa.

Wuxuu Nabigu Salalaahu Calayhi Wasalam yidhi qofka cadho qarsada isagoo awooda in uu fuliyo, Allaah baa dadka dhexdooda ugu yeedha maalinta qiyaame ilaa la dooran siiyo xuural caynta tuu doono. Isagana fulinaayay hadalkiisa Salalaahu Calayhi Wasalam oo cadawga saamaxaaya raxmad guud.

Wuxuu yidhi Rasuulku Salalaahu Calayhi Wasalam “Maaha ka adagi la dagdina badan balse waa ka hanan kara naftiisa markuu cadhoodo”. Nin baa u yimid Nabiga Salalaahu Calayhi Wasalam wuxuu yidhi ii dardaaran in kooban oon badnayn oo aan xafidi karo, wuxuu ugu jawaabay Salalaahu Calayhi Wasalam “ha Cadhoon”.

Astaan waxa  u ahayd “Ta wanaagsan kaga jawaab taxun oo aayad quraan ah kii cadaawadu idiin dhaxaysay wuxuu noqon saaxiib dhawe”. Sidaasi oo kale waxa uu ina baray sabirka waxaanu yidhi Nabigu Salalaahu Calayhi Wasalam Sabirka markaad cadhooto, iyo in aad xumaanta u dul qaadato, cadhaduna waa shaydaane waysaysta.

Markii reer Daaif Nabiga Salalaahu Calayhi Wasalam ay dhibeen ee uu u yimid malagii buuruhu una sheegay in uu amro in uu labbadaa buurood ku daboola Rasuulku Salalaahu Calayhi Wasalam wuxuu yidhi “ Maya waxaan rajaynayaa in dhabarkooda Allaah kasoo saaro Qaar ilaahay kaligii caabuda oon aan cid la waddaajin.

Dhibirsanaantii Rasuulka Salalaahu Calayhi Wasalam Anas wuxuu yidhi anagoo fadhina masaajidkii Rasuulka Salalaahu Calayhi Wasalam waxa yimid nin reer miyi ah wuu istaagay wuxuuna ku kaadjay masaajidka. Saxaabadii baa ku qayliday, daaya daaya ayuu yidhi Rasuulku Salalaahu Calayhi Wasalam ha ku goynina kaadidee, saxaabadii way daayeen waanu dhamaystay hawshiisii kadibna Rasuulka u yeedhay. “ Masaajida uma wanaagsana wax kaadiyi ama qashini, waa meel Alle xus, Salaad, iyo Quraan akhrin, Rasuulku saxaabada wuxuu ku yidhi waxaa la iisoo saaray fududayn, la iima soo saarin adkayn, ku shuba waadaan biyo ah.

Ninkii baa yidhi Allow u naxariiso Maxamed iyo aniga cid kalena ha u naxariisan, Rasuulka Salalaahu Calayhi Wasalam ba ku yidhi meel balaadhan baad yaraysay. Habdhaqankaasi waa cashar buuxa.

Yuhuuda ayaa u iman jirtay waxaanay ku odhan jiraan Asaamu Calaykum oo u macno dhaw Aslaamu Calaykum, ta hore macnaheedu waa geeri dushiina ha ahaato, caasha oo Rasuulka Salalaahu Calayhi Wasalam ag fadhida u jawaabtay oo tidhi geeri iyo nacdal iyo cadho ilaahay dushiina ha ahaato.

Rasuulku Salalaahu Calayhi Wasalam kadaa buu yidhi oo dhibirsanaanta ogow iskana jir dagaalka iyo hadalka xun, caashaa tidhi maanad maqalayn waxay yidhaahdeen, isna wuxuu yidhi maanad maqlayn waxaan idhi, Waan ku celiyuun waana la iga aqbalayaa iyagana lagama aqbalaayo. Dushiina uun buu yidhi habdhaqankaasi waa raxamd buuxda iyo duruus culus.

Rasuulku Salalaahu Calayhi Wasalam wuxuu yidhi ha afxumaanina, Allaah Ma jecla xumaanta iyo afxumada.  Muslim

Rasuulku Salalaahu Calayhi Wasalam wuxuu yidhi “Allaah Waa dhibirsane wuxuuna jecel yahay dhibirsanaanta, wuxuu ku bixiyaa dhibirsanaanta wax aanu ku bixin dirirta” Muslim. Marka waxa uu yidhi cidii dhibir’sanaan  laga xarimo khayr oo dhan waa laga xarimaa, cidii qayb dhibirsanaana la siiyay waxaa la siiyay qayb wanaaga.

Marka uu saxaabadiisa diro Salalaahu Calayhi Wasalam wuxuu odhan jiray “ bushaareeya ha eryina fududeeya ha adkaynina”  wuxuu yidhi Salaadaan gala anoo doonaaya in aan dheereeyo waxana maqlaa ilma yar oo’hintii waan gaabiyaa salaada anoo og dareenka adage e hooyaadaasi oo’hintiisaa. Mutafaq

Wuxuu ahaa ka ugu waji wanaagsan, ugu deeqsisan, ugu geesisan, habeen bay reer Madiina argagaxeen dadkiibaa xagii qaylada u yaacay waxay la kulmeen Rasuulka Salalaahu Calayhi Wasalam oo kasoo socda xagii qaylada isagoo uga dheereeyay, isagoo faras  cadaysima ah saran seefna jeeni qaaran oo leh “ ha cabsanina waa fardo diday” wuxuu ahaa bad wuxuuna ahaa farda fuula fogaaday. Masuul iska fadhiya oo la ilaaliyo muu ahaynWaxaan kasoo ururiyay Kitaabka Shamail Muxamadiyah ee uu Qoray Maxamed Bin Jamiil Saynu. Waxa xigi doona Qaybta 4aad haddii rabi idmo.

 

Qalinkii: Axmed Cali Kaahin.                                 Aakaahin@yahoo.com