Akhri Qodobbo Ay Isku Afgarteen Madaxweynaha Somaliland Iyo Ergayga Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya Oo Mar Kale Telefoon Ku Wada-hadlay

Xukuumadda Somaliland iyo Qaramada Midoobay ayaa ku heshiiyey inay dib u soo celiyaan xidhiidhkoodii Wada-shaqayneed.

Xukuumadda Somaliland iyo Qaramada Midoobay, ayaa dhawaan uu khilaaf culus soo kala dhex galay, ka dib markii sida Xukuumaddu sheegtay ay Qaramada Midoobay Qorshaheeda 5-ta sanadood ee soo socda ku salaysay Qorshaha Dawladda Soomaaliya isla-markaana isku dayday inay Qorshahaa gudaha Somaliland ka fuliso, taasi oo keentay in Somaliland joojiso dhammaan hawlihii Hay’adaha Qaramada Midoobay ka wadeen Somaliland.

Ma Jiro War Rasmiya oo ku saabsan Xallinta khilaafkaasi, balse Ilo-wareedyo muhiim ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya James Swan ay mar kale Toddobaadkii tagay ku wada-hadleen Khadka Telefoonka isla-markaana isla qaateen in Xaaladda Caadi lagu soo celiyo, si loo soo afjaro khilaafkii taagnaa, si hawlihii socday loo sii wadi karo.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Ergayga Qaramada Midoobay Mr. James Swan ay isku afgarteen laba Qodob oo kala ah in Xaaladda la dejiyo, lana joojiyo in hadallo taag-taagan Warbaahinta la isku mariyo iyo in Qolo walba dib isugu noqoto.

Xigasho: Geeska Afrika