Madaxweyneyaashu maxay u qariyaan xanuunnada ay qabaan? Warbixin ay qortay Washington Post

 

Wargeyska aadka loo akhristo ee Washington Post ayaa shalay daabcay warbixin xiiso leh oo uu cinwaan uga dhigay “Maxay madaxweyneyaasha dunidu u qariyaan xanuunnada ay qabaan?” Waxa turjumay soona koobay Bandhige News.

Warbixintani waxay ku soo beegantay kadib  markii ay soo if baxeen warar tibaaxaya in ay cillad weyni ku jirto caafimaadka haweenayda u sharaxan madaxweynenimada Maraykanka, Hillary Clinton, oo tamar la’aan darteed dhulka ku dhacday xafladdii Axaddii loo qabtay xuska weerarradii 11-kii Sebtember.

Wargeysku wuxu qoray in madaxweyneyaal badan oo taariikhda Maraykanka soo maray ay qariyeen xanuuno ay qabeen qaarkoodna ay xanuunnadaa u geeriyoodeen iyagoo xilka haya.

Wuxu tusaale u soo qaatay Ronald Reagan oo qabay xanuunka loo yaqaan Alsaymaris ama “Alzheimer’s” oo burburiya unugyada kaydka maskaxda, qofka uu asiibana ku keena in ay xusuustu ka guurto maalinba ta ka dambaysa.

Madaxweyne Reagan waxa xanuunkiisa la shaaciyey kadib markii uu xilka ka dagay, taas oo buuq ka aloostay Maraykanka. Dadkii gacan-yaraha u ahaa iyo xigtadiisu waxay ilaa maanta ku doodaan in madaxweynaha iyo iyaguba aanay ogayn xanuunkaa jidhkiisa ku jiray. Ugu dambayntii Reagan xaaladdiisu waxay gaadhay in uu dirqi ku xasuusto kaliya xaaskiisa, Nancy Reagan, waana laga joojiyey in uu la kulmo warbaahinta iyo dadweynahaba, ilaa uu dhimanayeyna wuxu ku noolaa nolol go’doon ah.

John F. Kennedy ayaa isaguna qabay xanuun sababa in cadaadiska dhiiggu hoos u dhaco iyo dhabar-xanuun joogto ah.  Dhawr jeer ayuu goob fagaare ah ku diiday ama dhulka ku dhacay. Ilaa uu dhimanayey lama sheegin in uu madaxweynuhu xanuuno culus qabo.

john-f-kennedy-sick
John F. Kenney

Madaxweyne Franklin Delano Roosevelt “FDR” ayaa muddo aad u dheer oo 12 sanno ah  xilka madaxtinimada Maraykanka hayey isaga oo xanuunsanaya laakiin aanay dadku ogayn. Wuxu qabay wadno-xanuun mararka qaar ku soo boodi jiray iyo xanuuno kale oo ku ladhan. Maalmaha qaar daal daraadeed waxa lagu riixi jiray baskiilka dadka naafadaha ah, wuxuna sara kici jiray oo kali ah marka uu ku soo dhawaado meel ay saxaafaddu joogto ama ay dad ka dhaw yihiin.

Markii uu 1944-kii isku taagay doorashada Maraykanka mar afraadkii, ayuu dhakhtarkiisu qoray warqad uu ku sheegayo in aanu Madaxweyne Roosevelt sii noolaan doonin afarta sanno ee soo socda haddii la doorto. Sidii bay u dhacday oo dhawr bilood kadib markii la doortay wuu dhintay. Warqaddaasna lama shaacin ilaa la gaadhayey 2011-kii. Madaxweyne-Xigeenkiisii Harry Truman ayaa  ku khasbanaaday in uu Dagaalkii Labaad ee dunida dhammaystiro isla markaana bixiyo amarradii adkaa ee nukliyeerka lagu duqeeyey  magaalooyinka Japan.

roosevelt-in-wheelchair
Franklin Roosevelt

Madaxweyneyaasha xanuunnadooda qariya kuma koobna kuwaa ay wax ka qortay jariiradda Washington Post. Waxa bishan gudaheeda geeriyooday Islam Karimov oo Uzbekistan 27 sanno xukumayey. Muddo dheer oo uu xanuunsanayey lama ogayn. Waxa iyaguna u geeriyooday xanuuno aan la ogayn Meles Zenawi-gii Itoobiya oo aan ilaa maantadaa la sheegin sababtii geeridiisa. Xaaji Cumar Bongo oo Gabon madaxweyne u ahaa 42 sanno wuxu xanuunka kansarka la il-darnaa muddo dheer iyadoo aanay dadkiisu ogayn. Xataa markii ugu dambaysay ee uu dhimanayey ee dalka Spain loo geeyey dawaynta waxay warbaahinta xukuumaddu sheegeen in uu nasasho u tagay Spain kadib markii uu ku daalay shaqada uu qaranka u hayo. Nasashadaas Xaaji Cumar kamuu soo noqon.

Waxa iyaguna xusid mudan madax badan oo carbeed oo aan xanuunkoodii la werin laakiin geeridoodii lagu war helay sida boqorradii kala dambeeyey ee Sucuudiga, Xaafid-Al-Asadkii Suuriya, Boqor Xuseen-kii Joordan iyo madax kale oo badan.

Wargeyska Washington Post wuxu badka soo dhigay su’aasha ah:  Maxaa sababa in madaxweyneyaashu xanuunnadooda qariyaan, qaarkoodna ku keena in ay xataa dhakhaatiirta wanaagsan ee dawayn lahayd u tagi waayaan iyaga oo ka baqaya in ay baxdo sirta xanuunkoodu?

Wuxu sababta ku sheegay in madaxweyneyaashu marka ay doorashada ku jiraan ay ka baqaan in la dooran waayo haddii la ogaado xanuunkooda, marka ay kursiga ku fadhiyaana ay ka baqaan in xilka laga xayuubiyo ama awoodoodu wiiqanto sabab la xidhiidha xaaladdooda caafimaad ee la ogaaday darteed, taas oo keeni karta in ay xoogaystaan mucaaridka iyo dadka ka soo horjeeda ee doonaya in ay kursiga ka tuuraan.

Hase ahaatee Wargeysku wuxu sheegay in taasi ay iska tahay cabsi iyo kalsooni-darro laakiin madaxweyneyaashu ay wax maamuli karaan iyaga oo qaba xauunnada badankooda marka laga reebo noocyo  kansarka ka mid ah oo keeni kara xil-gudasho la’aan, sidaas daraadeed aan loo baahnayn in la qariyo xanuunnada ay madaxweyneyaashu qabaan isla markaana ay waajib tahay in dadweynaha loo soo bandhigo nooca xanuunka ee madaxweyne kastaa qabo, si loo kala hubiyo in uu xilka sii wadi karo iyo in kale. Waana sababtaas ta ay maanta dadweynaha Maraykanku u doonayaan in ay ogaadaan xanuunnada ay qabaan Hillary Clinton iyo dhiggeeda Donald Trump. Labadooduba way ku khasban yihiin in ay wax walba bannaanka soo dhigaan sidii uu sameeyey John McCain markii uu la tartamayey Barack Obama.

Il-wareed: Washinton Post

Turjumaaddii iyo soo-koobiddii Bandhige News

Bandhige@gmail.com