Maxkamadda Midawga Yurub waxay go’aamisay in aan la xidhin soogalootiga ee dib loo celiyo

Kadib markii qulqulka qaxoontigu buux dhaafiyey waddamada Yurub, lana taacaali kari waayeen joogintooda ayaa waay Maxkamadda Midawga Yurub go’aamisay in aan la xidhin soo galootiga sharci darada ah balse dib loogu celiyo halkii ay ka yimaadeen.

Dadka aan u dhalanin Midawga Yurub ee sida sharci darada ah ku soo gala dalalka Midawga Yurub ee isticmaala dalkugalka Schengen ayaan xadhig mutaysan doonin sida ay sheegtay maxkamadda cadaaladda ee Yurub.

Taas badalkeeda waxa lagu celin doonaa wadankii ay ka yimaadeen iyaga oo loo cuskanayo sharcigii ay dhawaan Yurub ku heshiisay.

Sharcigan wuxuu qabanayaa soo galootiga ku dhex safraya dalalka baasaboor la’aanta isu safra.

Waxay ka cadhaysiin doontaa dadka dhaliila siyaasadda Midawga Yurub, laakiin waxaa la socda digniino muhiim ah.

Go’aankan waxaa soo cusboonaysiiyay nin soo galooti ah oo Ghana u dhashay oo oo Faransiisku ku qabteen baasaboorka dalka Belgium oo aan sax ahayn.

Selina Affum ayaa markaas kadib xabsi la dhigay waxayse ku andacootay in ay sharci darro tahay in la xidho.

Sharcigu wuxuu dhigayaa in qofka sharci darada ku soo galay loo sheego in 30 maalmood uu dalka uga baxo si iskii ah, intaas kadibna waddan ka kaxayntiisu aysan noqonin mid awood badan loo adeegsado oo qofka aan noloshiisa halis la galinin.

bandhige@gmail.com