Nin qaxoonti ah oo sharciga loo diiday ayaa waxa uu isku qarxiyay Jarmalka

Nin reer Suuriya ah oo loo diiday in la siiyo sharciga qaxootiga Jarmalka ayaa waxa uu isku qarxiyey goob ay ka socotay bandhig faneed, halkaasi ayaa waxa ku dhaawacmay 12 qof.

Qaraxan ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Ansbach.

Ninka ayaa sitay boors ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa.

Wasiirka arrimaha Guddaha ee gobolka Bavaria, Joachim Herrmann, ayaa sheegay in ninka qaraxa gaystay uu jiray 27 sanno, waxaanu isqarxiyey kadib markii loo diiday in uu soo galo meesha lagu dhigayay riwaayada ama lagu tumayay muusiga.

Ilaa 2,500 oo qof ayaa laga bixiyay goobta qaraxa kadib.

Bavaria ayaa aragtay weerarao istaba joog ah ka dib markii weerar tooray lagu qaaday tareen Isniintii todabaadkii hore kaas oo ay sheegatay kooxda Daacish.

Qaraxa Ansbach, ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay 22.10 PM ee habeenimo banaanka maqaayada Eugens Weinstube ee badhtamaha magaalada.

Ansbach waxaa ku nool 40,000 oo qof, waxaana ku yaala saldhig milatari oo Maraykan ah.

bandhige@gmail.com