Obama waxa uu kala qayb galayaa Reer Orlando murugada lagu laayey 49-kii qof

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa waxa uu tegay magaalada Orlando in uu la baroor diiqo ehellada dadkii lagu laayay maalmo ka hor halkasi, ayaa sheegay in aanu jawaab u heyn suโ€™aalaha ah waxay u soo laalaabanayaan toogasha wadareedyada guddaha Mareykanka.

Obama iyo ku xigeenkiisa Joe Biden, ayaa si gaar ah ula kulmay qaraabada dadkii la laayay ee 49-qof gaadhayay.

Waxa uu madaxweynuhu ku baaqay isku duubni, waxana uu intaasi ku daray in dadkan la dilay ay noqon karaan qoyskooda, isagoo u sheegey dadkii ay wax yeellada soo gaadhay in ay la xanuun sanayaan oo murugtuna la qeyb sanayaan.

Omar Mateen oo ah, nin ku dhashay New York, ayaa waxa uu subixii hore ee Axaddii hore xilliga Maraykanka, weerar ku qaaday baar lagu caweeyo oo ku yaalla magaalada Orlando ee gobolka Florida kuwaas oo ay isku yimaadaan dadka khasiinisiinta, halkaas oo uu ku dilay 49 ruux islamarkaasina ku dhaawacay 53 kale.

Weerarkaasi, ayaa noqdey kii ugu xumaa taariikhda Mareykanka soo mara oo mar qura dad intaasi gaaraya lagu dilo rasaas.

bandhige@gmail.com