Prof Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa khudbad uu xalay ka jeediyay xarunta dhaqanka iyo hidaha ee Hargeysa ku taala, wuxuu kaga hadlay amuuro badan.
Prof Samatar, oo markii hore khudbadiisu ku saabsanayd doorka dhaqanka iyo suugaantu ku leedahay horumarka dalka, waxa markii dambe la weydiiyay su’aalo u badnaa arrimo siyaasadeed.
Mar Prof Samatar wax laga weydiiyay is casilaadii uu kaga tagay guddigii aqoonsi raadiska ee uu Madaxweyne Siilaanyo ku daray wuxuu yidhi:
“Aniga caawa haddiiba magacaabistu ii iman lahayd jawaabtaydii waxba kama beddeleen. Arrinta aqoonsigu Somaliland wadnahay kaga taala. Aqoonsiguna waa muhiim oo adduunyadu haddaanay inoo imanayn waxba inoo qabanayn waa dhibaato. Waxaanan madaxda ku idhi waa in aynu kala saarna jibada iyo farsamo ahaan. Waxa ila habboon baan ku idhi komishan waa in la sameeyaa oo aanay inaga noqon hebel ku dara. Waa 2013-kii markaas taladaydiina lama qaadan oo 18 qof oo nooc walba leh baa la magacaabay. Waa in la sameeyaa shuruudo. Dadka dawladda ku jira iyo mucaarid ku jirin oo ay noqdaan guddi madaxbannaan oo dadka siyaasadda ku loolamaya aanay ku jirin taasna waa laga leexday. Waxa aan idhi waa in Miisaaniyad loo sameeyo iyo xafiis maamula oo Agaasime leh, taasna ma arag. Anigu shuruudi aan dhigay ma arag. Aqoonsiga waa in dadka Somaliland oo af ku wada hadlaya saylada la geeyo. Haddaan idhaahdo Somaliland waxaasay qabatay haddii la iga daba yidhaa wax Somaliland la yidhaa ma jirto. Markaan Maraykanka tegana la ii waydiiyo waa ceeb. Waa in is jacaylka iyo wada jirka la sameeyo. Shuruudahaas ma arag waraaqahaygana madaxda waan u soo dhiibay markii aan jawaab waayeyna ilayn Borofisoor baan ahaye ee onkod kaygaan sii daayey.”
Prof Samatar, waxa wax laga weydiiyay maalinta qaranimada Somaliland ee 18-k May oo uu hore uga yidhi hadal dood dhaliyay, waxaanu ku jawaabay:
“18-ka May Aniga waxay ila tahay reer Somalilandnaw in doodaasi furanto. 18-ka May qof aan waxba ogayn ama cudur ku jiraa dafiri kara, laakiin waxay ila tahay waa laga weyn yahay18-ka May waayo waxa ka fiican in 26 Juun dalka laga soo bilaabo waayo 18-ka May dabaro badan bay leedahay. Su’aasha taala waa sida la isagu keeni lahaa. Anigu 18-ka May way jirtaa baan leeyahay dad badan oo diidana way jiraan. Laakiin dooda aynu reer Soomaaliya la gelayno iyo adduunyada 26 Juun baa muftaax u ah aqoonsiga.”
Prof Axmed Ismaaciil Samatar, waxa la weydiiyay saddexda xisbi midka uu ku biirayo, waxaanu yidhi:
“Xisbi inaan galo waxa ka horaysa in aan dadka soo arko. Imaanshahaygu waa inaa is barano. Axsaabta iyo madaxdooda waan sheekaysanay marka xooggaa way jiraan. Markaan dalka ka noqdo inaan shir jaraa’id qabtaa laga yaaba. Tallaabooyin baa ka horreeya ee naga war suga.”
Ugu dambayn isagoo ka jawaabaya su’aal la weydiiyay wuxuu yidhi:
“Waxaan idhi madaxda Somaliland wali lagama qaadin imtixaanka ah sida dal loo hoggaaminaayo. Imtixaankaasna waa doorashada, umana jeedin madaxdu hoggaamin ma laha ee doorashadaan u jeedda. Dadka Somaliland waxay ku odhanayaan waad nagu soo noqnoqonaysaa maxaad noo haysa da’ baad joogtaa waxna waad baratay? Taasi waxay igu kaliftay inaan madaxda la sheekaysto markaan noqdana idhaa way kaas ee I naca. Waxa lagu caashaqsan yahay maalintaad kaligaa tidhaa laakiin halkanaan ka ciyaaraya bay ku nacayaan.”
Xigasho Geeska Afrika.