Raโiisal-Wasaarihii hore ee Kiiniya ahna hoggaamiyaha xisbiga Cord ee mucaaridka ugu weyn Raila Odinga ayaa sheegay in uu isu taagayo doorashada madaxweynenimada ee la filayo in ay Kiiniya ka dhacdo 2017-ka mar uu shalay ka hadlayey isu-soo bax loogu baroordiiqayo siyaasi geeriyooday oo ka dhacay degmada Ugunja.
Raila Odinga waa siyaasiga ugu darajada sarreeya siyaasiyiinta Afrikaanka ah ee taageera aqoonsiga Somaliland isaga oo bishii hore sidaas kaga dhawaaqay magaalada London mar uu ka hadlayey xarunta daraasaadka ee caanka ah ee loo yaqaan Chattam House.
โAniga oo aan haba yaraatee ka baqanayn in hadalkaygu buuq iyo iska hor imaad dhaliyo, waxan taageersanahay aqoonsiga Somaliland. Waxanan aaminsanahay in ay Somaliland gar u leedahay in la aqoonsadoโ ayuu yidhi Odinga.
โSomaliland aad baan u aqaanaa. Waxan booqday wakhtigii uu noolaa hoggaamiye Cigaalโ ayuu hadalkiisa raaciyey.
Dhawaqa ka soo yeedhay Odinga waxa ereyo aflegaado ah kaga jawaabay safaaradda xukuumadda Soomaaliya ku leedahay Kenya, waxayna bartooda Twitter-ka ku qoreen โHadallada Raila waa qayrul-masuulnimo. Midnimada Soomaaliyana waa lama-taabtaan.โ
Haddii uu Raila madaxweyne noqdo, waxay fursad qaali ah u noqon doontaa Somaliland isaga oo sida ka muuqata taageero baaxad leh u fidin doona aqoonsiga Somaliland amaba aqoonsan doona Somaliland.
Maalmihii ugu dambeeyey waxa Kiiniya la isla dhex marayey in uu Raila siyaasadda ka fadhiisanayo murashaxnimada u cumaamadayo saddexda siyaasi ee caanka ah Mudavedi, Watengula amd Kolonso midkood.
โWararkaas waxba kama jiraan. Haddii la doonayo in xukunka laga tuuro Uhuru Kenyatta oo ballan-qaadyo been ah ku siray dadka Kiiniya waa in aniga murashax la ii doortaa, sababtoo ah waxan ahay ninka mucaaridka ugu caansan uguna taageerada badan. Waxanan ahay siyaasi looga bartay in aanu dadka qabyaalad ugu kala eexan sida Uhuru Kenyattaโ ayuu yidhi Odinga.
Waxa la filayaa in xaflad dhawaan la qaban doono uu murashaxnimadiisa si rasmi ah ugu shaacin doono.
BANDHIGE NEWS