Ruushka oo xidhiidhkii amniga u jaray Turkiga, xamaasadda oo cirka ku sii laalantay

Ruushka ayaa joojiyey xidhiidhkii dhinaca amniga iyo milatariga ee u dhaxeeyey xukuumaddiisa iyo ta Turkiga, wuxuna taas ku sababeeyey diyaaraddii uu shalay Turkigu soo riday ee Ruushku lahaa.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka Surgey Lavrov oo safar ku tagayey Ruushka ayaa ahadda shaaciyey in uu baqday.

Sidoo kale Ruushku wuxu dadkiisa uga digay in ay u safraan Turkiga isagoo ku sifeeyey in uu yahay meel aan amni ahayn. Sidoo kale wuxu dhaqaajiyey markab dagaal oo uu joojiyey halkii diyaaraddu ku burburtay.

Diyaaradda la soo riday ayaa Turkigu ku doodayaa in u soo gudubtay xadkiisa isla markaana dhagaysan wayday digniinihii ay u gudbisay, hase ahaatee Ruushka ayaa ku doodaya in aanay ka gudbin xadka Suuriya sabab macquul ah oo loo toogtaana aanay jirin.

Madaxweynaha Ruushku wuxu Turkiga ku eedeeyey in uu shir NATO ah isugu yeedhay isaga oo aan dhacdadii diyaaradda kala xaajoon ciddii ay khusaysay oo Ruushka ahaa. Sidoo kale Ruushku falka Turkiga wuxu shalay ku sifeeyey middi dad argagixisada la socdaa ay isaga dhabarka ka geliyeen.

Ruushka iyo Turkiga ayaa in muddo ah ku kala duwanaa sida loo xalinayo qulqulatooyinka Suuriya iyadoo Ruushku doonayo in uu Bashaar Al Assad sii joogo halka Turkiguna doonayo in meesha laga saaro maamulka Bashaar Al-Assad.