Safiirkii Maraykanka u fadhiyi jiray Kiiniya wuxuu guursaday haweenay Maasay ah, arooskooda oo soo jiitay indhaha caalamka

 

Aroos aad loola yaabay oo warbaahintu ku mashquushay ayaa darraad ka dhacay Kiiniya. Waxa is guursadaay laba qof oo ka soo kala jeeda laba xaddaaradood oo aad u kala fog. Aroosku wuxu ahaa safiirkii hore ee Maraykanka u fadhiyey Kiiniya Ambassador Michael Ranneberger, aroosadduna waxay ahayd Ruth Konchella oo ka soo jeedda qabiilka Maasay-ga oo ka mid ah qabiillada qaaradda Afrika ku sii dheggan dhaqankii miyiga isla markaana aan jeclayn in ay u gudbaan xaddaaradda casriga ah. Waa xoolo dhaqato reer-guuraa ah waxayna kaymaha kula nool yihiin ugaadha.

Guurka Ambassador Ranneberger iyo Konchella ma cusba, laakiin waxa cusub arooskooda. Wuxu guursaday sannado ka hor laakiin wuxu ku guursaday dhaqankiisa. Dadka Maasay-ga ahi way diideen in ay guurkaas aqoonsadaan. “Ilaa uu safiirku lo’ ka bixiyo inantayada, oo loogu tumo tuuladii ay ka soo jeedday, guurkaasi maaha mid barakaysan” ayay yidhaahdeen.

Muddo dheer markii ay Ruth dhegaha ka furaysatay baaqii uga imanayey tolkeed ayaa dhawaan waxa dhintay nin aad u wanaagsan oo ay ilmaadeer ahaayeen. Geeridiisa ayay ka naxday waxayna waraysatay sababta uu u dhintay. Waxa lagu yidhi “yaradkii ayaanu bixin waagii uu xaaskiisa guursaday, inkaartii iyo karaahiyadii ayaa ka daba yimid, sidaas ayaanu ku dhintay.”

Ruth arrinkaa way ka argagaxday. Kadibna xaajigeedii ayay la hadashay, waxayna ku tidhi “Ma rabo in aad iga dhimato, sidaas daraadeed aroos waa in aad iigu dhigtaa tuuladayadii isla markaana aad yaradkaygii dhakhso u siisaa tolkay.”

Maasay 2

Michael Ranneberger oo jacayl aad u ba’an u qaba haweenaydan ayaa taladii qaatay. Wuxuna tagay say’ladda xoolaha halkaas oo uu ka soo iibiyey 8 sac oo yarad ah. Dillaaliintii sayladdu markii ay arkeen safiirkii oo doonaya in uu lo’ iibsado qiimihii waxay ka dhigeen labanlaab iyo saddex laab. Hase ahaatee Ranneberger wuu iibsaday.

Qabiilka Maasayga dhaqankoodu waa in marka ay ka guddoomayaan yaradka ay ragga oo dhammi ku soo labistaan harag shabeel oo aanu shay kale wehelin kadibna ugu tagaan guriga ninka ay gacalka noqdeen si ay lo’da yaradka ah uga soo guddoomaan.

Sababta ay haragga shabeelka u xidhaan ayaa ah in ay saadigood si dadban ugu sheegaan geesinimada cidda ay ka soo jeeddo gabadha uu guursaday. “Haddii aad gabadhayada si wanaagsan ula dhaqmi waydo, waxaad mari doontaa dariiqii ay mareen shabeelladan aanu haraggooda xidhan nahay” weeyi arrinku.

Ambassador Ranneberger waxa lagu xusuustaa sidii foosha xumayd ee uu dawladda Kiiniya u dhaliili jiray ulana dhaqmi jiray wakhtigii 2007-dii markii ay Kiiniya ka dhaceen qalalaase ka dhashay doorashadii lagu murmay. Dawladda Kiiniya wuxu ku tilmaamay mid musuqmaasuqu dishooday, eex iyo qaraabo-kiil ku dhaqanta. Dadka Kiiniyana wuxuu ku tilmaamay dad cawaan ah oo isku gummaaday si ka baxsan bani’aadaminimada.

Maasay 3

“Ma qoomamaynayo hadalladii aan waagaa ku idhi gacalkayga maanta, waayo wixii aan aaminsanaa ayuun baan sheegayey. Dawladda Kiiniyana hadda waanu isku fiican nahay oo gacal ayaanu noqonay” ayuu yidhi Ambassador-ku.

Ruth Konchella ayaa dhinaceeda muujisay sida ay ugu faraxsan tahay guurkeeda. “Waxaan ahay gabadha dunida ugu nasiibka wanaagsan. Ninkaygu waa qof masuul ah oo sida uu iila dhaqmo iyo sida uu ii xanaaneeyo aanad malayn karayn. Aad baan u jecelahay runtii” ayay tidhi.

Lammaanaha ayaa marka arooskoodu dhammaado ka soo wareegi doona tuulada Maasayga ee ay ku aqal-galeen una soo wareegi doona Nairobi, maalmo kadibna waxay u gudbi doonaan London si ay halkaas ugu soo dhammaystraan inta uga hadhay bisha Malabka.

Bandhige News

Bandhige@gmail.com