Siyaasi Cabdiraxmaan Cadami ayaa ka digay Midnimo Somaliyeed oo uu hor kacayo safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliya Berlanga

Siyaasi Cabdiraxmaan Cadami ayaa ka digay Midnimo Somaliyeed oo uu hor kacayo safiirka Midowga Yurub Berlanga

Siyaasi Cabdiraxmaan Cadami oo kamid ah siyaasiyiinta Somaliland waxa uu ka hadlay kulan khadka internet-ka ku dhexmaray Madaxweynaha Somaliland, wasiirka qorshaynta iyo safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliya Berlanga. Waxaana uu siyaasigu ka digay Midnimo mar kale dhex marta Somaliland iyo Somaliya kaasi oo ay hor kacayaan Safiirada midowga Yurub, qaramada midoobay iyo Maraykanka.

Siyaasigu waxa uu xukuumadda ugu  baaqay in ay ka hortagto wax kasta oo sababi kara in midnimo ay markale dhalato.

Dhanka kale Siyaasi Cadami waxa uu shacabka iyo Xisbiyada ugu baaqay in la garab istaago dedaal kasta oo xukuumaddu kaga hortagayso arrinkan.

Hoos ka daawo muuqaalka warkan: