Suuriya: Cisbitaalka dhallaanka ee magaalada Xaleb oo la duqeeyey

Cisbitaalka dhallaanka ee magaalada Xaleb ayaa waxa duqeyn u gaystay diyaaradaha ciidamada dawladda iyo kuwa Ruushka ee wada socda.

Cisbitaalkan ayaa waxa uu ahaa cisbitaalka kaliya ee lagu daweeyo dhallaanka ee ku yaala Xaleb.

Dr Xatim oo agaasime ka ah cisbitaalkaasi ayaa sheegay in duqeynta awgeed halkaasi laga saaray 9 ilmood oo dhicis ku dhashay, una baahnaa xannaano gaar ah.

Dakhtarka ayaa intaa ku daray in hadda ay magaaladaasi ka shaqeeyaan 7 cisbitaal, isla markaana ay aad u kooban tahay waxa ay u qaban karaan dadka gargaarka caafimaad u baahan.

Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegaya in magaalada todobaadkan keliya lala beegsaday ilaa 600 oo duqeyn, boqolaal duqeymahaasi ka mid ahna waxa ay dhaceen 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

bandhige@gmail.com