Ruushka ayaa sheegay in mid kamid ah diyaaradahiisa qumaatiga u kaca oo ay isticmaalayeen milatarigooda ku sugan Suuriya toogasha lagu soo riday maanta.
Wasaaradda difaaca ee dalka Ruushka, ayaa sheegtay in shan qof ay saarnaayeen diyaaradaasi markii ay ku soo dhacday gobalka Idlib.
Waxaa lagu soo waramayaa in dhammaan shantaasi qof ay dhinteen.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha difaaca ayaa sheegay in helikobtarkaasi gantaal lagu dhuftay iyadoo ka soo laabatay dhinaca magaalada Xallap oo ay gaadhsiisay gargaar bani’aadanimo.
Kooxaha falaagada ayaa kol hore sheegtay in ay iyaga soo rideen diyaaradaasi. Waxay baraha buslahada soo dhigeen sawirro iyo muuqaallo muujinaya burburka diyaaradda.
Hore ayaa waxa diyaarada dagaal oo Ruushku leeyahay u soo rideen Turkiga kadib markii u gashay guddaha dalka Turkiga.