Turkiga iyo Ruushku waxay kala saxeexdeen heshiisyo cusub oo dhowr ah

Madaxweyneyaasha Ruushka iyo Turkiga ayaa billaabay wadahadalo iyo heshiisyo ay isugu soo dhowaanayaan labada dalka, kadib markii xidhiidhkoodu xumaaday dhammaadkii sannadkii hore.

Labada madaxweyne oo kulmay ayaa sheegay in labada dal ay furayaan baal cusub oo taariikhi ah.

Madaxweyne Erdogan oo booqanaya dalka Ruushka ayaa dhigiisa Vladamir Putin la saxiixday heshiisyo dhowr ah.

Isu soo dhowaanshanai ayaa reer galbeedka ay aad u eegayaan.

Erdogan ayaa sheegay in xidhiidhka labadan dal uu hadda ka wanaagsan yahay sidii horay uu u ahaan jiray.

Putin ayaa isna dhankiisa sheegay in kulankii ay wada yeesheen uu midho dhalay ayna ka wada hadleen arrimo badan oo muhiim.

Tan iyo intii uu xidhiidhkoodu xumaaday ayaa waxa dhaqaale xumo la soo derisay Turkiga kadib markii uu Ruushku joojiyey albaabihii uu Turkigu u dhoofin jiray Ruushka.

bandhige@gmail.com