Waddani oo beeniyey in uu Guddoomiye Cirro aqblay hakinta diwaan-gelinta

Guddoomiye-ku-xigeenka  1aad ee xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed, ayaa beeniyey in Guddoomiyaha xisbigaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” uu oggalaaday go’aankii Madaxweyne Siilaanyo ku hakiyey diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, waxaana uu tilmaamay in wanjal been abuur ah ay ka sameeyeen Guddoomiyeyaasha xisbiyada Kulmiye iyo UCID isla mar ahaantaana ay umMadda u sheegeen wax aan ka soo bixin afka Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

Axmed Muumin Seed, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka hadlaayey munaasibad ay qabsadeen garabka haweenka Waddani oo u debaal-degaayey sannad guuradoodii 1aad ee ka soo wareegtay wakhtigii la aas-aasay.

Axmed waxa uu ugu horreyn hambalyo iyo boggaadin ballaadhan uu u diray guud ahaanba haween weynaha xisbiga WADDANI, isaga oo carabka ku dhuftay in xisbiga Wadddani uu yahay xisbigii ugu horreeyey ee intii asxaabta siyaasaddu ay jirtay hirgeliyey in uu aas-aaso garab haween oo iyagu dhexdooda si dumuqraadi ah isku soo doorta.

Hoose ka daawo muqaalka warkan:

bandhige@gmail.com