Wasaaradda Awqaafta: Loollanka Xarakaadka Salafiyiinta Iyo Ictisaamka. W/Q: Cali Cabdi Coomay

11 sanno ee la soo dhaafay waxa gacanta ku hayey maamulka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta xarakada ama ururka Ictisaam. Hasayeeshee markii la magacaabay wasiir Al-Baani waxa gebi ahaan ba is-beddel ku yimid oo meesha ka baxay ururkii Ictisaam, waxaana beddelay ururka Salafiyiinta oo wasiirka saameyn badan ku leh. 11 sanno ee ay Ictisaamku gacanta ku hayeen wasaaradda, waxa ay inta badan maamulayeen mashaariicada wasaaraddu hesho, iyaga oo urur ahaan wax u watay.

 

Weerarada Warbaahinta ee ย Ictisaamka Iyo Difaaca Salafiyiinta.

Tan iyo markii la magacaabay wasiir Al-Baani waxa duullaan cir iyo dhul ah ku qaaday ururkii meesha laga saaray ee Ictisaam ee wasaaradda gacanta ku hayey. Taasina waxa ay keentay inay Ictisaamkii warbaahinta bulshada si dadban ugu dhaliilaan wasiir Al-Baani. Doodaha qaarkood waxa ay leeyihiin Ictisaamku dhaqaale ahaan waxa ay ku tiirsanaayeen suuqii Waaheen ee gubtay iyo mashaariicada wasaaradda Awqaafta, markii labadaasi isa soo xidheen ayey weerarada bilaabeen.

 

Salafiyiintu waxa ay kaga fiicnaayeen Ictisaamka, markii ay xilka hayeen wax dagaal ah kumay qaadi jirin, hasayeeshee Ictisaamku haatan dagaal warbaahineed oo toos ah ayey ku hayaan wasiirka. Mabay qarsan ba oo waa kii Sheekh dhawaan si badheedh ah wasiirka u duray, isaga oo qarsan kari waayey wixii laabtiisa ku jiray. Wuxuu ugu soo daba-gabanayey wax aan dhaliil laga dhigi Karin. Sh. Barbaraawi ayaa shalay xaaladda mar kale kiciyey oo weeraray xarakada Ictisaamka, iyana markiiba way ka jawaabeen.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com