Casharrada Laga Baran Karo Dooddii iyo Hadalladii Kululaa ee Dhexmaray Xinif iyo Guddiga Baarlamaanka. W/Q: Cali Cabdi Coomay

  • In cidd kasta oo kuula timaada dood ku dhisan caadifad, cadho, cay iyo cuqdad lala gudhiyo oo luuqadaasi uu fahmi karayo lagula hadlo.
  • In cidd kasta oo kuula timaad luuqadda marfishyad, jaanlayaasha, ciyaalo suuqa iy af dibjir aan bun laga dhimin ee taasi lagula hadlo.
  • In guddoomiyaha guddigu uu ahaa nin jilicsan oo ay ka awood bateen xubnihii guddigu oo uu xakameyn kari waayey.
  • In xildhilbaannadii Baarlamaanku ay kala baxeen, kuwa aqoon leh ee degan iyo kuwa marfishyada qaadka haysta ee habeenkii oo dhan soo jeeda ee aroortii bunka ay cabbeen ku soo shaqo taga.
  • In masuulka xil dawladeed haya ee is-dejiya uu guddiga dabagalka hantida qaranka ee doodoodu ku dhisan tahay caadifadu iyo cadhu uu si fudud uga guulaysanayo.
  • In guddoomiye Xinif uu jeexay dariiq ay masuuliyiinta dambe isaga dhicin karaan guddigan oo luuqadda ay fahmayaan kula hadlaan.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com