Wasaaradda Gaadiidka iyo Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka oo daah-furay xeer-nidaamiyaha xakamaynta gaadiidka qaada rarka xad-dhaafka ah

 

Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Waddooyinka, Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka iyo GIZ waxay maanta daahfureen Xeerka Xakamaynta Gaadiidka Qaada Xamuulka Xad-dhaafka ah. Xafladda waxa qabanqaabiyey Somaliland Y-peer oo qaabilsan barnaamijka wacyigelinta ee xeerkan si kor loogu qaado amniga nabadgalyada waddooyinka isla markaana looga hor tago dhaawac ay baabuurtu gaadhsiiyaan waddooyinka waaweyn ee #Somaliland.

Waxa madasha daah-furka khudbado ka jeediyey Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Eng. Cismaan Sheekh Cabdi, Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Waddooyinka Cabdillaahi Abokor Cismaan, Wasiirka Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi, Guddoomiyaha Somaliland Y-PEER Cabdicasiis Xirsi Warsame, Madaxa Mashruuca Horumarinta Jidadka GIZ Lothal Scholz. Dhamaan madaxdii ka hadashay waxa ay ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay in la fuliyo xeerkan maadaama ay dhibaato weyni ka taagan tahay nabadgalyada waddooyinka sidoo kalena uu burbur weyni ka soo gaadho waddooyinka baabuurta qaadda culays ka badan intii loogu talo galay in igsalkoodu waado.

Maareeyaha Hay’adda Waddooyinku wuxu sheegay in uu ku faraxsan yahay wuxu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu soo bandhigo xeer muddo dheer la sugayey kaas oo ah Xeer-Nidaamiyaha Xakamaynta Gaadiidka Qaada Xamuulka Xad-dhaafka ah kaas oo la sameeyey 2015kii. Hase yeeshee wuxu sheegay in marka hore loo baahan yahay in si weyn loo wacyigeliyo gaadiidleyda, darawaliinta, shariikadaha gaadiidka iyo dhammaan daneeyeyaasha gaadiidka si ay u ogaadaan ciqaabaha ay mutaysan karaan haddii ay xeerkan u hoggaansami waayaan.

Eng. Cismaan wuxu sheegay in Wakaaladda Horumarinta Waddooyinku ay wada-shaqayn dhawr fulinta xeerkan kala yeelan doonto hay’adaha sharci-fulinta, gaar ahaan ciidanka ilaalada nabadgalyada waddooyinka.

Eng. Cismaan iyo Wasiir Cabdillaahi Abokor labaduba waxay u mahad celiyeen Hay’adda GIZ oo wacyigelinta xeerka ka caawinaysa iyo ururka Waddaniga ah ee Somaliland Y-Peer oo kala shaqaynaya sidii wacyigelintu dadka u wada gaadhi lahayd. Intii ay munaasibaddu socotay waxa iyaguna ka hadlay salaadiin, caaqilo, saraakiil ciidamada nabadgalyada waddooyinka ka tirsan iyo madax kale oo kala duwan.

Horumarinta jidadka isku xidha waddooyinku waxay ka mid yihiin arrimaha mudnaanta u ah Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 2aad.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan: 

bandhige@gmail.com