Wasaaradda waxbarasha iyo dugsiyada gaarka loo leeyahay oo is afgarad ka gaadhay khilaafkii u dhexeeyay

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Md.Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo ay wehelinayeen wasiir kuxigeenka WW&S Md.Axmed Xasan Nuur (Taajir) iyo agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Md.Axmed Abokor Maxamed ayaa maanta kulan la yeeshay maamulayaasha iyo mulkiilayaasha dugsiyada gaarka loo leeyahay ee aan weli qaadan ruqsada dib u cusboonaysiinta.

Ujeedada kulankan ayaa daarranaa, sidii labada dhinac isku laab xaadhan lahaayeen ee ay uga saari lahaayeen dhexdooda muran in muddo ah ba taagnaa, kaas oo ka dhashay ruqsada sannadlaha ah ee ay wasaaradda waxbarashada iyo saynisku ku diwaan gelinaysay dugsiyada gaarka loo leeyahay ee ka jira guud ahaan geyiga Somaaliland.

Kulankan oo lagu qabtay hoolka shirarka ee xarunta wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ayaa sidoo kale waxa ka qaybgalay qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada wasaaradda waxbarashada, kuwaas oo uu ugu horeeyo agaasimaha waaxda dugsiyada gaarka ah ee WW&S Md.Amiin Maxamed Axmed iyo sidoo kale maamulayaasha 22 Dugsi oo ka mid ah kuwa gaarka loo leeyahay.

Kadib falanqayn dheer, agaasimaha waaxda dugsiyada gaarka loo leeyahay Md.Amiin Maxamed Axmed oo munaasibadaa ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimada shirkan iyo sida uu ugu faraxsan yahay guushan ay wada gaadheen masuuliyiinta dugsiyada gaarka loo leeyahay ee aan weli ruqsada dib u cusboonaysiinta wasaaradda waxbarashada qaadan iyo wasaaradda waxbarashada iyo sayniska.

Agaasimaha waaxda dugsiyada gaarka loo leeyahay ayaa halkaa ka akhriyey qodobada ay ku heshiiyeen dugsiyada gaarka ah iyo wasaaradda waxbarashada iyo dugsiyada gaarka ah.

Qodobadaas oo ay ka mid ahaayeen;

1. Waxa lagu heshiiyey; in si kal furnaan ah looga wada shaqeeyo horumarinta nidaamka waxbarashada dalka iyada oo laga heshiiyey wixii khilaaf ahaa ee ka dhexeeyey wasaaradda waxbarashada iyo dugsiyada gaarka ah.

2. Waxa la isla qaatay, in diwaangelinta ruqsadii dib u cusboonaysiinta ay qaataan dugsiyada gaarka ahi ugu danbayn 31/January-2020-ka.

3. Waxa kale oo la isla qaatay; in la sameeyo guddi wada tashi oo ka kooban dugsiyada gaarka loo leeyahay, wasaaradda waxbarashada iyo daneeyayaasha nidaamka waxbarashada dugsiyada gaarka ah ee ay u khusayso.

4. Waxa kale oo shirkaa la iskula qaatay, in la iskugu yimaado shir balaadhan oo ay ka soo qaybgalaan dhammaan dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo wasaaradda waxbarashada iyo sayniska kaas oo lagaga arrinsan doono horumarinta waxbarashada dalka iyo sidii loo abuuri lahaa jawi wada shaqayneed oo ay mustaqbalka wada yeeshaan bahda waxbarashada gaarka ah iyo wasaaradda waxbarashada iyo sayniska.

Sidoo kale, qaar ka mid ah mulkiilayaasha dugsiyada gaarka ah oo kulankaa ka hadlay ayaa sheegay, in ay ku faraxsan yihiin heshiiskan maanta la gaadhay, waxaanay sheegeen in ay si buuxda ugu hogaansamayaan dhammaan awaamiirta wasaaradda waxbarashada iyo sayniska.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Md.Axmed Abokor Maxamed ayaa kula dardardaarmay maamulayaasha dugsiyada gaarka ah ee shirka ka soo qaybgalay, in ay ardeyda ku barbaariyaan waddaniyada iyo dal jacaylka.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarashada Md.Axmed Xasan Nuur ayaa isaguna sheegay, in ay dhammaantood gacmaha isku qabsadaan horumarinta waxbarashada dalka.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Md.Axmed Maxamed Diiriye ayaa uga mahadnaqay masuuliyiinta dugsiyada gaarka ah, is afgaradka ay ka gaadheen khilaafkii ka dhexeeyey wasaaradda waxbarashada iyo dugsiyada gaarka ah ee aan qaadan ruqsada dib u cusboonaysiinta.

Guud ahaan shirkaa ayaa ku soo dhammaaday guul iyo is afgarad laga gaadhay dhammaan khilaafkii u dhexeeyey wasaaradda waxbarashada iyo sayniska iyo dugsiyada gaarka loo leeyahay.