Buurmadaw Muxuu ugu Dhegen yahay Riyaraac? (WQ: Axmed Cabdi Aadan)

Buurmadaw Muxuu ugu Dhegen yahay Riyaraac

 

Wiil hoog baa aan u aqoonsaday ninka fahmay siyaasada wajiyada badan ee ku wada xidhan Riyaraac. ย Shalay waydiintii ugu badnayd ee aan la kulmaa waxa ay ahayd: Buurmadaw muxuu si qabyaladaysen ugu tageerayaa Riyaraac, hadana uu Feysal ugu maagayaa qabyaalad?

Buurmadaw Riyaraac qabyaalad kulama socdo – ugu yaraan qabyaalada dadka qaar ay moodayaan ma aha! ย Buurmadaw waxa uu wataa mashruuc siyaasadeed. ย Mashrucaas, waxa wajigisii kobaad hor istaagay Feysal oo waliba loo tar sheeganayey abaal. ย Wajiga labaad ee mashruucaas ayaa hadaba galay Riyaraac – aan idin balbalaadhiyo ‘Riyaraac Thriller’.

Abdirashiid Riyaraac waxa Muuse u keenay Saleebaan – waa aan maqlay Muuse in uu yidhi: Libinta ha iga siinina Saleebaan hayeeshee hadda iyo Aqalka Hooseba cidda Riyaraac ku guntatay waa Saleebaan .

Muuse waa siyaasi waqiciga Somaliland kasoo baxay, waxa aanu ku jiraa dadkii dhuuxay warqad Maxamed I. Cigaal u dhaafay Daahir Rayaale. ย  Xaashidaa nuxurkeeda ayaa ahaa “Daahirow il gaar ah ku hay Saleebaan”. ย  Si kale haddii aan u dhigo, Muuse wuu yaqaan misaanka Saleebaan sidoo kale, Muuse wuxu ogyahay in uu laba lugood ku taagan yahay, lug haddii uu waayana madaxtinimadiisu ay liicayso.

Muuse wuu liqay Riyaraac, waxa se jirta Ina Kaahin ma wato Riyaraac! ย Ina Kaahin waxa uu filayey in Goolaha Wakiiladu ay soo diidi doonaan Riyaraac. ย May se dhicin waayo, Saleebaan ayaa ku guday gurigaas, waxa aanu ku yidhi: “Miyaa aad iska deyseen wixii aad korodhsan jirteen?” ย Riyo sidaa ayaa lagu ansixiyey, Wakiiladana sidaa ayaa 2 sano loogu kordhiyey. Sidoo kale 2 sanno ayaa ‘parking’ka loo dhigay Muuse – halkaa ayuu kiiska Riyaraac ka hillaacay.

WADDANI wakii diiday Riyaraac, Feysalna wakii ku raacay. ย Buurmadaw isna wakii Somaliland iyo Riyaraac isku sidkay. ย Ninka isagu mar walba rabay in Riyaraac lasoo celiyaa, waxa weeye Kaahin. ย Saleebaan wuu ka baxay dalka, markaa watii laysla qaatay “guddidii Riyaraac hala kala diro”. ย Maxamed Kaahin wuu soo dhoweeyey sababta oo ah, Kaahin waxa uu ogyahay guddidii hore xubintii ugu jirtay Beesha Habar Jeclo in uu dhaafay cimrigii siidhiga la qaban jiray; markaa waxa uu Kaahin hoosta ku wataa Buurdhaab.

Buurmadaw sababta ka qaylisiinaysaa maaha qabyaalad ee waa Buurdhaab ka carar. ย Buurdhaab haddii uu yimaado, wajigii labaad ee mashruuc siyaasadeedka Buurmadaw waa hal bacaad lagu lisay. ย Wajiga labaad aan idin qeexee, waxa weeye “Xaashi 4 Kulmiye”. ย Wejiga Feysal kala kiciyeyna wuxuu ahaa Xaashi 4 UCID. ย Buurtu in uu Feysal si qaawan ula hadlaana qayb buu ka yahay qodobkani..

Saleebaan dhankiisa Muuse waxa uu u sheegay “Riyaraac la wayaa waa labadii sanno ee “parking”ka ku jiray oo la waayey”. ย Muuse talo ayaa ku caddaatay. ย Muuse waxa uu raadiyey in uu helo “fall guy” dhibane lagu maraateeyo. ย Kaasina waxa uu noqday Eng. Feysal Mandheera ย haloo dhaadhiciyo, isaga oo dembi looga dhigayo “aflagaado qoys”. ย Feysal wakii kiciyey Reer Mataan iyo ergeygii UN-ta. ย Feysal wuu noqon waayey “scapegoat” – jid lagu fakado.

Saleebaan wuxu soo laabanaya 18ka bisha, taladiisuna waa mid. ย Hadaba waxa la is waydiinayaa Saleebaan muxuu u wataa Riyaraac? ย Saleebaan waxa aanu arki karin Kaahin! waayo? ย Sababtu waa sheeko NUUX, kamana badhna naanays ka carar – calaashaan Riyaraac maaha aamin. ย Saleebaan iyo Buurmadaw waa ay ku wada socdaan Riyaraac waxa se ay ku kala baydhayaan meel dhexe waayo, Saleebaan waxa uu la jiraa Xirsi halka Cismaan uu hoosta ku wato Xaashi.

Siyaasaddaas oo dhan waxa ay ka socotaa kijada Kulmiye. ย  Waxa aynu sugnaaba, waa ragga kusoo dhidida digsiga