Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu wuxu daah-furay kulan lagu gorfeynayey Siyaasadda Dhallinyarada Somaliland

 

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Yuusuf Mire Boos ayaa waxa uu maanta furay kulan hal maalin ah oo lagu gorfeynayey Siyaasadda Dhallinyarada Somaliland ee 2018 ilaa 2021.

Siyaasadan ayaa waxay Wasaarada iska kaashadeen Ha’yadda Qaramada Midoobay iyo ururada Maxaliga oo ay hoggaaminayso Dallada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO.

Kulan ayaa waxa kasoo qayb galayeen ururada iyo Ha’yaddaha ka shaqeeya arrimaha dhallinyarada.

Siyaasadan ayaa waxa marka lagu daro gorfeyntan ayaa waxa la horgeyn doonaa Golaha Wasiirada oo falanqayn doonna kadibna ansixin doonna.

bandhige@gmail.com