Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu waxa uu ka hadlay mu’aamarada ay u maleegeen masuuliyiin Soomaaliya oo ay ku kulmeen madaaradka Hargeysa

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilahi Axmed ayaa maanta si kulul uga jawaab celiyey mu’aamarad-saxaafadeed oo ay ku sameeyeen Wasiiro iyo suxufiyiin ka tirsan dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, kuwaas oo maalintii shalay safar ku maray Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ee Magaalada Hargaysa iyaga oo ku sii jeeday gudashada Xajka ee sannadkan, isagoo wasiirka Diinta iyo Awqaafta xiligaa ku sugnaa Madaarka oo uu ku sii sagootiyayeyn Xujaajta reer Somaliland ee sannadkan gudanaya fariidada xajka.

Siyaasiyiintan oo nasasho u soo marayey madaarka Cigaal ayaa waxay sawiro la galeen wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo sheegay in uu sii dhoweynayey xujaajta Somaliland ee ku sii socotay gushada xajka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

bandhige@gmail.com