Wasiirka Horumarinta Biyaha JSL Ayaa Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Horumarineed Ee Dhinaca Biyaha Oo Lag Hirgaliyay Magaaladda Burco

Wasiirka Horumarinta Biyaha JSL Maxamed Muuse Diiriye Ayaa Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Horumarineed Ee Dhinaca Biyaha Oo Lag Hirgaliyay Magaaladda Burco Ee Xaruunta Gobolka Togdheer.

Wasiir Maxamed Muuse Diiriye oo Maalmihii Ugu Danbeeyay Waday Hawlaha Dardar Galinta Biyaha Ee Goboladda Somaliland Ayaa Maanta Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Burco.

Waxaana Hadaladiisii Ka Mid Ahaa “Burco Iyo Gobalka Togdheerba Waa Inuu Helaa Biyo Ku Filan Oo Macaan Waxaanan Ilaahay Ka Baryaynaa Inuu Noo Fududeeyo Hawshaas Baaxada Leh, Hawsha Aanu Saaka Halkan U Nimi Waa Mid Aanu Ku Furayno Mashaariic Horumarineed Oo Wasaaradda Horumari Biyuhu Ka Fulisay Gobalkan Togdheer, Sida Oo Kale Wasiirka Ayaa Shacabka Gobalka Togdheer Kula Dardaaramay Inay Ilaashadaan Ceel Biyoodka Loo Hirgaliyay.

Badhasaabka Gobalka Togdheer Mudane Xamse Maxamed Cabdi (Walaaleeye) Oo Madasha Hadal Kooban Ka Jeediyay Ayaa Tibaaxay In Muhiimada Koowaad Ay Tahay Biyaha Aadamahuna Ka Maarmi Karin Biyaha Waxaanu Tusaaale U Soo Qaatay Maah Maah Tidhaadhda “Oon Waa Loo Dhintaa Se’ Gaajo Looma Dhinto”, Waxaanu U Mahad Naqay Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland.

Odayaasha Iyo Dadka Ku Dhaqan Ayaa Soo Dhaweeyay Ceel.Biyoodan Looga Hirgaliyay Deegaankoodii Waxayna U Mahadnaqeen Wasaarada Horumarinta Biyaha Somaliland.

Ugu Danbayntii Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland Mudane Maxamed Muuse Diiriye Iyo Badhasaabka Gobalka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi Ayaa Si Wada Jir Ah Xadhiga Uga Jarey Ceel Biyood Laga Hirgaliya Gobalka Togdheer.