Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Iyo Sayniska Ayaa Xilkii U Kala Wareejiyey Agaasimihii Hore Iyo Agaasimaha Cusub

siirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Mudane Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa xilkii u kala wareejiyey agaasimihii hore ee wasaaradda waxbarashadda Mudane Axmed Abokor Maxamed iyo Agaasimaha cusub Mudane Maxamed Faarax Xareed oo uu dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi u soo magacaabay wasaaradaasi, halka Agaasime Abokor loo wareejiyey Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga taasi oo ka mid ah Wasaaradaha cusub ee uu madaxweynuhu mudo xileedkiisan yagleelay.

Munaasibadan oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimey ayaa waxa ka soo qaybgalay Madaxda waaxaha kala duwan ee wasaaradda waxbarashadda, Madax ka socotay hay’adaha caalamiga ah, hay’adaha UN-ka, Salaadiin, Xildhibaano iyo shaqaale weynaha wasaaradaasi, waxana halkaa laga soo jeediyey khudbado badan oo iskugu jirey sagootin la sii sagootiyayo Agaasimaha xilka ka degay iyo hadalo lagu soo dhaweynayo Agaasimaha cusub ee xilka la wareegaya, waxaanay dhammaantood ku dheeraadeen muhiimada wasaaradda waxbarashaddu ugu fadhido qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyey labada agaasime ayaa agaasimaha xilka ka degay ku amaanay shaqo wanaag mudadii koobnayd ee ay wada joogeen, sidoo kale waxa uu agaasimaha cusub ku soo dhaweeyey wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska, waxaanu illahay uga baryey in uu xilkan loo soo magacaabay u fududeeyo. Dhanka kale waxa uu wasiirku sheegay in agaasime Abokor kala xidhiidhi doonaan hadba wixii ku adkaada dhanka shaqada maadaama oo ay dhammaan masuuliyiinta wasaaradaasi yihiin kuwo ku cusub mansabka wasaaradda waxbarashadda kaasi oo u baahan la qabsi iyo in ay mudo dhex galaan hawlaha balaadhan ee wasaaradaasi. Wasiirku waxa agaasimihii hore halkaa ku gudoonsiiyey shahaado sharaf uu sheegay in uu ku mutaystay shaqo wanaag, karti iyo dulqaad uu muujiyey mudadii uu hayey xilka agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska.

Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Mudane Axmed Abokor Maxamed ayaa isaguna Munaasibadaasi ka soo jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa taasi oo iskugu jirtay xog-waran, duco iyo dardaaran uu u soo jeediyey guud ahaan shaqaale weynaha iyo madaxda kala duwan ee wasaaradda waxbarashadda, waxana hadaladiisii ka mid ahaa; waxan ugu horeyn u mahadnaqayaa marti sharaftan tirada badan ee ka soo qaybgalay munaasibadan, sidoo kale waxan u mahadnaqayaa shaqaale weynaha wasaaradda waxbarashadda ee sida wanaagsan iila soo shaqeeyey mudadii aan joogay wasaaradda. Waxan shaqaalaha wasaaradda waxbarashadda ka codsanayaa in ay agaasimaha cusubna ula shaqeeyaan sidii milgaha iyo sharafta lahayd ee ay iila soo shaqeeyeen. Mudane agaasime wasaaradda waxbarashaddu waxay qaranka u leedahay muhiimad balaadhan taasi oo u baahan in loo foojignaado oo loo dedaalo si loo sii horumariyo, waxaanay qaranka uga wakiil tahay sidii loo jihayn lahaa qaranka si loo gaadho higsiga iyo yoolka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxyaabaha mudadii aan joogay noo qabsoomay waxan ka xusi karaa; qorshihii shanta sano ahaa ee wax qabadka mashaariicda ee wasaaradda waxbarashadda (Education Sector Strategic Plan ESSP) kaasi oo ka soo bilaabmay sanadkii dhammaaday ee 2017-kii ilaa 2021-ka, waxyaabaha kale ee iyguna aadka muhiimka u ahaa ee aan qabanay mudadii aan joogay waxa ka mid ahaa ladagaalankii qishka imtixaanaadka shahaadiga ah, runtii waxan aad u amaanayaa xafiiska imtixaanaadka qaranka iyo masuuliyiintiisa kuwaasi oo qaranka u haya hawl aad u baaxad leh oo balaadhan, haddii aanay odayaashaasi joogi lahayna waxan isleeyahay wax badan baa inaga dayacmi lahaa. Mudane agaasime waxan kugu soo dhaweynayaa wasaarad ay joogaan khabiiro aqoon yahan ah kuwaasi oo wax badan kaa caawin doona caqabadaha kaa hor yimaada markaa waxan kugula talaniyaa in aad kala tashato si aad xal ugu hesho wixii kaa hor yimaada. Caqabadaha wasaaradda yaala waxa ka mid ah; baahida taala wasaaradda iyo miisaaniyada oo yar taasina waxay hoos u dhac ku keentay tayadii iyo waxqabadkii waxbarashadda, miisaaniyadda wasaaradda boqolkiiba todobaatan (70%) waxay ku baxdaa mushaharo, markaa waxa meesha ka baxday ama hoos u dhacday dhankii horumarinta kaabayaasha waxbarashadda, waxanan talo ahaan u soo jeedinayaa in laga hawlgalo sidii loo kordhin lahaa miisaaniyadda qaranka ee dhanka waxbarashadda si loo daboolo baahiyahaa aan soo tilmaanay.

Waxa isaguna munaasibadaasi ka hadlay agaasimaha cusub ee wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska mudane Maxamed Faarax Xareed waxaanu ugu mahadnaqay shaqaale weynaha wasaaradda waxbarashadda sida wanaagsan ee ay ugu soo dhaweeyeen xarunta wasaaradaasi, sidoo kale waxa uu agaasimhu ka hadlay waxyaahaba looga baahan yahay wasaaradda waxbarashaddu in ay qabato waxaanu ku bilaabay; wasaaradda waxbarashaddu waxay u xil saaran tahay sidii ay u fulin lahayd waxbarasho tayo leh taasi oo ka saaraysa bulshadda jahliga iyo fakhriga, waxana udub dhexaad u ah in la helo waxbarasho tayo leh macalin tayeysan oo la helo iyo in kor loo soo qaado aqoonta iyo dhaqaalaha macalimiinta. Waxan balanqaadayaa in aan halkaa ka sii wado dedaaladaa badan ee ay masuuliyiintii iga horeeyey ka soo shaqeeyeen.

Gudoomiyaha imtixaanaadka qaranka mudane Daa’uud Axmed Faarax ayaa isaguna munaasibadaasi ka hadlay waxaanu ku dheeraaday amaanta agaasimihii hore ee wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska mudane Axmed Abokor Maxamed waxaanu ku tilmaamay hogaamiye dhab ah, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa; Agaasimihii hore ee wasaaradda waxbarashaddu waxa uu ahaa agaasime guud oo aan laga dareemin cadho, weliba qarsada cadhadiisa isla markaana muujiya duqaad iyo ixtiraam, sidaa darteed waxan ku sii sagootiyeynaa duco iyo in illaahay u fududeeyo xilkaa kale ee loo magacaabay. Agaasimaha cusubna waxan u soo jeedinayaa in si degan ugu fiirsado hawlaha wasaaradda isla markaana uu muujiyo kal furnaan iyo wada shaqayn dhab ah oo dhexmarta waaxaha kala duwan ee wasaaradda waxbarashadda.

Afhayeenka Wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska mudane Cabdilaahi Ibraahim X. Xasan ayaa isaguna halkaasi ka soo jeediyey khudbad uu ku sii sagootiyayo agaasimihii hore ee wasaaradaasi iyo soo dhaweyn agaasimaha cusub ee waxbarashadda, waxana hadaladiisii ka mid ahaa; dhammaan bahda waxbarashadda iyo marti sharafta kaleba waxan uga mahadnaqayaa ka soo qaybgalka munaasibadan. Waxyaabaha aan ku xasuusto Axmed Abokor Waxa ka mid ahaa; wada shaqaynta hay’adaha iyo wasaaradda waxbarashadda oo hakad galay oo uu soo celiyey, iyo sidii uu iskugu soo jiidi jirey shaqaalaha iyo madaxda wasaaradda waxbarashadda. Shakhsi ahaan waxan ka wada shaqaynay hawlo xaasi ah oo aad u adkaa markaa waxan ku majiiran doonaa sidii uu hawlahaa uga soo baxay ee uu u gutay. Dhawr jeer ayaan is idhi balk u dayo sidan dulqaadka iyo kartida leh ee axmed u dhaqmo runtii waan ku turunturooday sidaan iskugu eegaysii lahaa, markaa waxan Axmed maanta leeyahay tix uu Cali Sugule (Dun-carbeed )tiriyey taasi oo ahayd; ( Waad Gudatay Muusow Xilkii kula gudboonaaye), waxa kale oo aan madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi uga mahadnaqayaa magacaabista Axmed Abokor Maxamed. Intaan la dooran madaxweyne Biixi ayaan mar aan xaflad iskugu nimi ku idhi waxad noqonaysaa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland ee soo socda, markaa rag badan baa arrintaa igula yaabay laakiin anigu sansaanka muuqda ayaan arkayey, sidoo kale Axmed Waxan leeyahay saanqaadkii nin noqonaya ama dhawaan loo magacaabayo xil kan ka sareeya, markaa waxan ku soo koobayaa dhawaan filo mansab kan ka sareeya.

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo isaguna munaasibadaasi ka hadlay ayaa khudbad kooban oo muhiim ah ka soo jeediyey halkaasi waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; waa markii kowaad ee aan ka soo qaybgalo xaflad xil wareejin ah, taasina waxa u sabab ah aniga oo jecel waxbarashadda. Runtii wasaaradda waxa soo maray 14 wasiir iyo 8 agaasime, waxaanay soo martay marxalado kala duwan oo mid waliba waayeheeda lahayd. Wasiirka wasaaradda waxbarashadda waxan ku taageersanahay hadal uu dhawaan ka jeediyey baarlamanka kaasi oo uu ku sheegay in uu ka shaqayn doono dhanka tayada. Agaasime Axmed waa nin dhalinyaro ah laakiin intiisa ka weyn, waa nin ku dayasho mudan, waanan ugu ducaynayaa in illaahay xilka loo magacaabay u fududeeyo. Waxa kale oo aan munaasibadan uga faa’iidaysanayaa baaq aan u dirayo dagaalka ka taagan darenweyne ee gobolka sanaag, waxan dawladda u soo jeedinayaa in ay arrintaa gacan adag ku qabato oo ay waajibkeeda gudato. Waxa kale oo aan madaxda dhaqanka u soo jeedinayaa in aanay ka tallin wax hagardaameeya dalka iyo qaranimadda jamhuuriyadda Somaliland. madax dhaqameedka waxa loo ogaa nabad, maaha in ay ka shaqeeyaan wax ummada kala geeya oo dhib iyo qalalaase abuura.

Waxa kale oo iyaguna munaasibadaasi ka hadlay masuuliyiin tiro badan oo ay ka mid ahaayeen agaasime waaxeedka waaxda waxbarashadda dadban mudane Xuseen Daahir Rooble, Gudoomiyaha waxbarashadda gobolka Badhan Marwo Foosiya Jibriil Cali Salaad, Maareeyaha TV qaranka Mudane Khadar Maxamed Cakule, Safiya Jibriil oo ku hadlaysay hay’adaha wasaaradda kala shaqeeya dhanka waxbarashadda iyo masuul ka socday midawga yurub, dhammaantoodna waxay ku dheeraadeen munaasibadan iyo taariikhda masuuliyiintan xilka la kala wareegaya iyo sidii loo sii xoojin lahaa waxbarashadda Somaliland.

Werintii: Mow O. Kibar

Email: Cabqari1979@gmail.com

Telephone: 063-4412857 Telesom, 065-9117772 Somtel