Weftigii uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Waddani waxay gaadheen Ceerigaabo

Weftigii uu hoggaaminaayey Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi โ€œCirroโ€ oo socdaal ku marayey deegaanada gobalka Sanaag oo dhawaan ay ka billaabmi doonto diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Somaliland, ayaa maanta si ballaadhan ay u soo dhaweeyeen dadweynaha ku dhaqan deegaanada yimaada degmada Yufle iyo magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobalka Sanaag.

Waxaana Guddoomiyeย ย Cirro socdaalkan ku wehelinaayey xubno ka mid ah hoggaanada, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka, xildhibbaano iyo masโ€™uuliyiin kale, iyada oo ugu horreyn ay shacabka deegaanada Yufle ayย ย si ballaadhan oo aan kala hadh lahayn ay ugu soo dhaweeyeen deegaanaddaasi iyada oo sida oo kalena duleedka magaalada Ceerigaabo ay kaga horyimaadeen boqolaal shacabka Ceerigaabo.

Qaar ka mid ah shacabkii soo dhaweynaayey oo ugu horreyn ka hadlay deegaanaddaasi, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in uu deegaanaddaasi soo booqdo Guddoomiye Cirro, sida oo kalena uu kala qeyb-qaato wacyi-gelinta diiwaan-gelinta Somaliland.

Qaar ka mid ah xildhbibbaanada, siyaasiyiinta deegaankaasi iyo masโ€™uuliyiinta heer gobal ee xisbiga Waddani oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in shacabka deegaankaasi ay heelanaan dhabba u qabaan xisbiga Waddani isla mar ahaantaana uu xisbigu tirsanaayo codkooda iyo weliba cududoodaba, waxaana ay dhammaantood hoosta ka xariiqeen in ay ka niyad goโ€™een xisbiga Kulmiye muddadii uu xukumaayey talada Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo isna hadal kooban u jeediyey shacabka deeganaddaasi, ayaa ugu horreyn uga mahadceliyey soo dhaweyntooda, waxaana uu ku booriyey in ay ka qeyb-qaataan diiwaan-gelinta codbiyeyaasha Somaliland, ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa:

“Dhammaan shacabka degmada Yufle iyo Ceerigaabo ba, Odeyaasha, cuqaasha, salaadiinta, dadweynaha, haweenka, saxaafadda iyo mas’uuliyiinta kale ba , waxa aanu idiin ka mahadnaqaynaa sida ballaadhan ee aad noo soo dhaweyseen oo ay daan ugu kala hadhin soo dhaweyntayada, waxa aanu u soconaa oo aanu idin ku nimi SAMA-WADE Sanaag. Afar gobal oo hore ayaanu soo marnay, gobalkanna waa kii Shannaad , u jeedada aanu u nimina waa in aanu shacabka Somaliland, gaar ahaan kuwa gobalka Sanaag aanu kala qeyb-qaadano oo aanu xog-oggaal u noqono, sida oo kalena aanu la socono wixii dhib ah ee jira ee diiwaan-gelinta muwaadiniinta reer Somaliland ee hada ka billaabmaysa gobalka Sanaag.โ€

Guddoomiyahu isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu guubaabo u diray shacabka gobalka Sanaag, gaar ahaan deeganaddii aanay hore u dhici jirin doorashooyinka iyo diiwaan-galinahu ba, waxaana uu yidhi:

โ€œWaxa aanu ku guubaabinaynaa oo aanu u baaqeynaa shacabka ku nool gobalka Sanaag in muwaadin kasta oo gaadhay daโ€™da sharcigu u oggal yahay in uu is diiwaan-geliyo ayaanu ugu baaqeynaa, waxa aanu gaar ugu sii baaqeynaa degmooyinka gobalka Sanaag ee aanay hore uga dhici jirin doorashooyinka iyo diiwaan-gelintu ba , Isha Allah in shacabku heegan u noqdaan una diyaar garoobaan in ay is diiwaan-geliyaan.โ€

Ugu dambeyntii, Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu ka hadlay faaโ€™iidooyinka ku jira diiwaan-gelinta Somaliland waxaanu yidhi:

โ€œDiiwaan-gelinta siyaabo badan ayeynu uga faaโ€™ideynaa, waxa aynu uga faaโ€™ideynaa in aynu helno doorasho xor ah, waxa aynu uga faaโ€™ideysanaynaa in aynu helno doorasho xor iyo xalaal ah, oo tartan baa ku dhex jira, waxaana aan filayaa in gobalka Sanaag uu yahay gobalka ugu weyn juqraafi ahaan marka la eego Somaliland oo waxa aan filayaa in uu yahay 40% , sidaas awgeed codka soo bixi doonana waxa la idin ka filayaa in dadku na ay noqotaan 40% Isha Allah. Dhinaca ay ka baxdaana waa bakeylo qaleen.โ€

bandhige@gmail.com