Weftigii Waddani waxay gaadheen Laascaanood

Weftigii ballaadhnaa ee SAMA-WADE  ee uu hoggaaminayey Guddoomiyaha xsibiga Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro”, oo u jeedadiisu tahay wacyi-gelinta diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka iyo weliba u kuur-gelidda xaaladda nololeed ee deegaanaddaas, ayaa maanta si ballaadhan oon kala hadh lahayn ay u soo dhaweeyeen yar iyo weynba guud ahaan shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood iyo qaar ka mid ah deegaanada hoos yimaada ee gobalka Sool.

Weftigan Guddoomiye Cirro oo ay ku wehelinaayey xoghayaha guud ee xisbigaasi, xubno ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta, siyaasiyiin iyo wax-garad aad u miisaan culus oo ka soo jeeda deegaanada gobalka Sool, ayaa guud ahaan ay shacabkii isbedel doonka ahaa ee reer Laascaanood, Adhicadeeye, Yagoori, Guumeys iyo Sama-kaab ba ay si weyn u muujiyeen rabitaankooda isbedel oo ay ku muujinaayeen sida ay uga go’an tahay in ay taageeraan xisbiga Waddani isla mar ahaantaana ay qeyb uga noqon lahaayeen dawlad dhisan oo la wada leeyahay, waxaana ay ku dadkaasi dareenkooda ku muujinaayeen erayo ay ku soo dhaweynaayeen xisbiga Waddani, iyaga oo sida oo kale na lu’laayey calanka Liimiga ah ee xisbigaasi iyo caleemo qoyan oo ay ku salaamayeen guud ahaan weftiga SAMA-WADE Sool.

Qaar ka mid ah dadkii ka hadlay deegaanaddaasi oo iskugu jiray siyaasiyiin, wax-garad, xidlhibbaano, haween iyo dhallinyaro ka soo kala jeeda deegaanada hoos yimaada Magaalada Laascaanood, ayaa dhammaantood ba waxa ay ku dheeraadeen sida ay uga go’an tahay taageerada ay u hayaan xisbiga Waddani.

Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani, xoghayaha Warfaafinta, Xoghayaha arrimaha bulshada, Siyaasi Siciid Sulub iyo Haldoor Barkhad Jaamac Batuun oo dhammaantood ba iyagu na halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay si aada ugu faraxsan yihiin sida diiran ee ay ree Laascaanood iyo deegaanada hoos yimaada ay u soo dhaweeyeen, iyaga oo muujiyey in xisbiga WADDANI uu yahay xisbiga kaliya ee fahamsan baahida ay shacabka reer Laascaanood u qabaan dawlad la wada lee yahay oo ku dhisan cadaalad iyo sinnaanshiyo.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro”, oo isna ugu dambeyntii la hadlay shacabka deegaanaddaas, ayaa ugu horreyn waxa uu si weyn ugu mahadceliyey soo dhoweynta diiran ee ay u sameeyeen, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa u yidhi:

“Guud ahaan shacabka reer Sool, gaar ahaan degmada Laascaanood, dhallinyarada, haweenka iyo wax-garad kaba waxa aan lee yahay aad baad ugu mahadsan tihiin sida ballaadhan ee aad noo soo dhaweyseen, haddii aad Waddani jeceshahiin ayaanu annaguna u jecel nahay shacabka reer Sool. Waxa la ii sheegay in nin murashax ah oo maalin dhaweyd halkan yimi in uu idin ku yidhi cod idin kama doonayo ee hebel codsiiya se annagu waxa aanu idin ku lee nahay codkiina annaga na siiya, waxqad iyo horumar na annaga ayaa diin samayn doona. Xisbiga Waddani waa xisbigii ugu horreeyey ee shirweyne dhallinyareed qabta, dhallinyartu hormuud bay ka tahay xisbiga Waddani, waxa aanu doonaynaa in xisbiga aad wax ku yeelataan dhallinyarooy, in aad isbedelka qeyb ka noqotaan, waxa aanu u baahan nahay in barnaamijka siyaasiga ah aad wax ku yeelataan, weliba sida oo kale na aad talada xisbiga qeyb aad ku yeelataan, waxa aanu doonaynaa in aad dhallinyarada hoggaamisaan oo aad ku hoggaamisaan mustaqbal ifaaya. Walaale yaal maanta waxa aanu u soconay muu ahayn olole siyaasaddeed, waxa aanu u soconay in aanu idin kala qeyb-galno diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha Somaliland. Gobalka Sool deegaano badan iyo degmooyin ka mid ah ba  kamay dhicin doorashooyinkii hore iyo diiwaan-gelimahii ba se waxa aanu maanta ku faraxsanahay in maanta ay shacabka deegaanadani ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb-qaataan diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha iyo Doorashooyinka Somaliland.”

bandhige@gmail.com