Xogta Dahsoon: Condaleeze Rice oo bannaanka soo dhigtay sirtii duulaankii Ciraaq ee 2003-dii

 

Saddaam Waxaanu u Ridnay Sababo Amni, laakiin Ma ahayn Fidinta Dimuqraadiyadda

Gabadha wejigeeda lagu yaqaanay arxandaradda ay u haysay Dunita Carabta iyo Islaamka, ee aan cadhada wejigeeda  qarsan jirin Condoleezza Rice oo soo qabatay xilalka u waaweyn uguna caansan Xukuumadaha Maraykanka sida Wasiirka Arimaha Dibada iyo jagada La Taliyaha Amniga Qaranka ee Dalkaasi maraykanka ayaa haatan ka hadashay Duulaankii Ciraaq lagu qabsaday Sanadkii 2003, kaasoo ay ku qaadeen 40 dawladood oo is baahaystay oo uu horkacayey Dalkeedu.

Mss Rice oo haatan bare jaamacadeed ka ah Stanford University waxa ay leedahay Riditaankii Dawladii Saddaam Xuseen iyo Dawladii Dhaqdhaqaaqa Talipan ee Afghanistan waxa ay noo ahaayeen hawlgalo aanu u qaadnay adkaynta amniga Maraykanka iyo xulafadiisa, laakiin ma ahayn qorshe aanu caalamka ku gaadhsiinaynay oo ku fidinaynay hanaanka Dimuqraadiyada, waxana iyada oo arintaa kaga hadlaysay mac-hadka Brookings ee Dalka Maraykanka ay shalay oo sabti ahayd  tidhi sidan: ‘ Marnaba qorshayaasha George Bush kuma jirin inuu Dimuqraadiyadda ku fidiyo qoriga caaradiisa, mana ahayn waxii ciraaq ka dhacay 2003 iyo hawlgaladayadii Afghanistan ee 2001 kuwo lagu balaadhinayey Dimuqraadiyada Caalamka, laakiin waxay ahaayeen kuwo dhanka amniga ah, iyadoo ay ciraaq u sii dheerayd anagoo aaminsanayn inay haysato hubka wax baabi’iya.’

Xigasho: Xogta Dahsoon.

bandhige@gmail.com