Dadweynaha Yemen oo lagu tiri dadyowga ugu qaadka cunka badan ayaa waxa la mamnuucay gebi ahaanba maalmaha ay shaqadu jirto, balse waxa la ogol yahay in ay dadku cunaan maalmaha ay fasaxa yihiin.
Sababta lagu mamnuucay ayaa lagu sheegay in qaadku dhibaato dhaqaale iyo mid bulshaba u leeyahay shacabka Yemen, isla markaana biyo badan lagu waraabiyo beeraha uu ka baxo.
Suuqyada lagu iibiyo qaadka ee Cadan ayaa waxa noqdeen qaar haawana kadib markii uu amarkani soo baxay.
Biyaha lagu waraabiyo beerahaqaadka ayaa lagu qiyaasay saddex meelood meel biyaha waddanka Yemen, inkastoo Yemen ay soo foodsaartay biyo yaraan.
Kal hore ayaa waxa qaadka lagaga mamnuucay magaalada Mukalla kadib markii ay maamulka la wareegeen kooxda Al-Qaacidada Yemen.