Xidhiidh weyn ayaa ka dhaxeeya caafimaadka iyo cimri-dhererka. In kasta oo qof kastaa uu wakhti go’an dunida joogayo, haddana aadamaha waxa ku abuuran jacaylka cimri-dhererka waana sababta Ilaahay looga baryo “caafimaad iyo cimri-dherer.”
Daraasado lagu sameeyey dad ay da’doodu kor u dhaaftay 100 sanno ayaa lagu ogaaday in dadkaasi ka siman yihiin 10 hab-dhaqan oo loo aanaynayo in ay yihiin sirta ka dambaysa cimri-dhererkooda. Hoos ka akhristo hab-dhaqannadaas iyo faa’iidada caafimaad ee mid kasta lagu sheegay.
- Dad-dhexgalka: Dadka oo aad wakhti la qaadato iyo saaxiibbo badan oo aad yeelataa waxay kor u qaadaan farxaddaada iyo samo-ku-noolaashahaaga. Farxadduna waxay qayb weyn ka tahay caafimaadka. Jett Kay oo 108 sanno nool waxay tidhi “Saaxiibo cusub samayso laakiin saaxiibadaadii horena hayso.” Daraasad la sameeyey 2010-kii ayaa sheegtay in dadka bulshaawiga ahi ay ka cimri dheer yihiin kuwa gooni-joogga ah.
- Firfircoonida: Culimada saynisku waxay isku raacsan yihiin in jimicsiga iyo jidhka oo laga shaqaysiiyaa ay qayb-weyn ka yihiin caafimaadka iyo cimri-dhererka. Khasab maaha in qof kastaa ku biiro meelaha lagu jimicsado oo uu biro waaweyn qaado si caafimaadkiisu u fiicnaado. Laakiin socod joogto ah iyo dhaqdhaqaaq sahlan oo xataa dadka waaweyni samayn karaan ayaa door muhiim ah ka ciyaara caafimaadka. Daraasadaha la sameeyey waxay muujinayaan in dadka socda ama jimicsada 7 saacadood iyo ka badan toddobaadkii ay ka cimri dheer yihiin kuwa aan firfircoonida badan lahayn.
- Ka-shaqaysiinta maskaxda: Maskaxda oo lagu mashquuliyo waxyaabaha cariya sida wax-akhriska, daawashada wararka, daawashada barnaamijyada qofku jecel yahay, ciyaaraha fudud ee maskaxda ka shaqaysiiya sida turubka, jeesta iyo dubnadda, waxay qofka kala dagaalamaan in maskaxdiisu ay regaado waxayna ka dhigaan mid mar walba soo jeedda. Edris Mathiesen oo da’diisu 102 tahay wuxu ku nool yahay xaafadda Redbud Hills ee Bloomington, Maraykanka. Wuxu sheegay in uu ilaa hadda turubka ciyaaro. Wuxuna yidhi “Maskaxdaada ama waad ka shaqaysiin ama shaqada ayay joojin. Waa labadaa mid uun.”
- Niyad-samaanta: Niyad-samaantu qayb weyn ayay ka qaadataa caafimaadka. Sidaas si la mid ah kaftanka iyo qosolka ayaa door muhiim ah ka ciyaara caafimaadka maskaxda iyo ka jidhkaba. Haddii la keeno koob biyo ku jiraan, dadka qaar waxa ay arkayaan in koobku “kala-badh buuxo” dadka qaarna waxa ay arkayaan in koobku “kala-badh dhiman yahay.” Waxa la weriyey in kuwa arka koobka oo “kala-badh buuxa” uu caafimaadkoodu wanaagsan yahay. Niyadsamaantu waxay ka hor tagtaa werwerka iyo qulubka, waxayna wanaajisaa tayada nolosha.
- Isku-buuq la’aanta: Dadkii la waraystay waxay sheegeen in ay iska ilaaliyaan isku-buuqa dhaqanna ka dhigteen iska ilaalinta muranka, wakhtiga xaaladaha adag oo ay isdejiyaan iyo weliba ka-mahad-celinta wixii wanaag loo falo. Isku-buuqu wuxu keenaa xaalado caafimaad oo ay ka mid yihiin qulub, dhiig-kar, wadne-xanuun, macaan iyo weliba miisaanka qofka oo kordha.
- Cunto caafimaadka u wanaagsan: Hab-dhaqannada ay ka sinaayeen duqaydii la waraystay waxa ka mid ah in ay caadaysteen cuntooyinka caafimaadka u wanaagsan sida khudaarta cagaaran iyo khudaarta midhaha ah. Waxay yaraystaan cuntooyinka macaanka, milixda iyo subaggu ku badan yihiin. Caloosha waxay ka ilaaliyaan in ay dharagto maalin kastana wakhtiyo isku mid ah ayay wax cunaan.
- Miisaan fudud: Miisaanka jidhkaaga oo kordhaa wuxu astaan u noqon karaa caafimaadkaaga oo soo xumaanaya. Marka uu culayskaagu kor u koco, waxa sidoo kale kordhaya khatarta aad ugu sugan tahay xanuunnada wadnaha, dhiig-karka, faaligga, macaanka, xanuunnada neef-mareenka ku dhaca iyo weliba kansarka, kuwaas oo dhammaantood cimriga qofka soo gaabin kara. Dadkii daraasaddan lagu waraystay miisaankoodu wuu ka hooseeyey “23” cabirka loo yaqaan “BMI” ee isku eega dhererka iyo culeyska qofka.
- Ka-taxadarka dawooyinka: Dawooyinka waxa lagu tilmaamaa in ay yihiin mindi laba af leh. Haddii aad si dhab ah ugu baahan tahay oo kurbo xanuun ku hayso waad ku ladnaan kartaa. Haddiise marka uu madaxu ku yara xanuuno ama aad dareento juucjuuc aad isku daldasho wax ay kuu taraan daayoo waxay dhaawac u gaysan karaan caafimaadkaaga. Dadkii daraasaddani waraysatay waxay ka sinnaayeen in ay aad uga cago-jiidi jireen isticmaalka dawooyinka iyo booqashada joogtada ah ee dhakhaatiirta si ay uga fogaadaan in la siiyo dawooyin aanay u baahnayn ama laga daweeyo xannuuno aan hayn.
- Mashquulinta nafta: Da’ kasta oo uu qofku yahay waxa la ogaaday in ay muhiim tahay in uu nafta ku mashquuliyo wax macne u samaynaya. Dadka dhakhso hawl-gabka u noqda ee guryahooda iska dhex fadhiista waxay u nugul yihiin xanuuno fadhiga ku eegta kadibna kaga takhalusa. Dadkii daraasaddan lagu waraystay oo qof kastaa boqol jir ka weyn yahay waxay ay ka sinnaayeen in ay ilaa maantadan shaqeeyaan maalin walba. “Shaqada iyo masquulka kiisa macnaha ku fadhiyaa nafta ayay u wanaagsan yihiin” ayuu yidhi mid ka mid ah dadkii la waraystay.
- Ka-bogoshada hurdada: Hurdada oo laga bogtaa waa hab-dhaqan u wanaagsan caafimaadka, gaar ahaan wadnaha iyo maskaxda. Ugu yaraan 7 saacadood oo hurdo ah maalin walba waa hab-dhaqan ay ka siman yihiin dadka cimrigoodu dheeraaday ee ka qayb-galay daraasaddan. Culimada aqoonta u leh arrimaha caafimaadku waxay tibaaxeen in hurdo la’aantu horseedi karto macaan, dhiig-kar, wadne-xanuun, cayil iyo faalig.
Akhtise, haddii aad rabto in caafimaadkaagu wacnaano da’ kastoo aad tahay, ku dedaal qodobbadan aan soo sheegnay oo horey loogu caano-maalay.
Xigasho: MSN
Waxa turjumay: Bahda Bandhige