Somaliland oo ka hadashay qodobbada laga soo saaray shirkii wada-tashiga ee Muqdisho ka dhacay

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta Cismaan Cabdillahi Saxardiid “Caddaani” ayaa jawaab adag ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay maamulka uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in Somaliland qayb ka tahay Baarlamaan loo dhisayo dhammaadka sannadkan.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Cismaan Saxardiid “Caddaani” oo shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa sheegay in go’aannadaasi aanay khusaynin iyaga, cid magacooda kaga qaybgali kartaana aanay jirin. 

Wasiirku waxa uu sheegay in qodobada Somaliland quseeya ee shirka laga soo saaray ay jebinayaan heshiiskii horey u dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya.

Hoose ka daawo muqaalka shirkan jaraa’id ee qabtay wasiirka Warfaafintu:

bandhige@gmail.com