Sucuudiga oo dhimaya awoodaha ciidanka booliska ee diinta

Sucuudiga ayaa waxa soo saarayaa sharci cusub oo lagu yaraynayo boliiska diinta, oo sannadihii ugu danbeeyey ay ka soo baxday dhaleecayn ku salaysan awoodaha ay isticmaalaan.

Sharcigan cusub ee la samaynayo ayaa waxa waxa uu mamnuucacayaa in uu booliska diintu uu xidho, waydiiyo waraaqaha aqoonsiga ama eryo qof kasta oo ku sugan gudaha Sucuudiga.

Sharciga cusub ayaa waxa ugu horeyn aqbalay golaha wasiirada, ayaa doonaya in booliska diinta aysan qaadin wax talaabo ah haddii ay arkaan sharci daro ka soo horjeeda sharciga Sucuudiga.

Sharcigan ayaa waxa uu farayaa booliska diinta in ay warbixin u gudbiyaan booliska ka hor inta aanay talaabo qaadin, markaa kadib booliska ayaa talaabo ka qaadi doona.

 

bandhige@gmail.com