Talaabo kasta oo aad hore u qaado iyo raad kasta oo aad ka tagto ha ahaado mid togan ama mid tabane, waxa ka dambeeya fikir qoto dheer oo ku saleysnaa ka midho dhallinta ujeedada talaabada aad qaadayso aad ka lahayd.
Bulsho kasta oo ku nool meel ama waddan isku mid ah waxa ku jira dad maalkooda, maankooda iyo muruqaadaba ugu hura sidii bulshadaasi horumar u gaadhi lahayd isla markaana uga bixi lahayd ย hagardaamooyinka ay ku sugan tahay ee horumarkeeda suul daaraya.
Waxaad ku nooshahay dal maalin kasta lagu yidhaa waa nabad oo aan Ilaahay mooyee cid kale ka cabsoonayn,hadana si dadban loo guumeysto.Waxaad ku nooshahay dal leh xeeb dhererkeeda lagu qiyaasay 850 Km ,waxa kale oo aad leedahay dhul beerashada ama wax-soo saarka ku fiican oo lagu qiyaasay 10% bedka dhulkaaga oo dhan 139,000 km2.
Dhulkaaga waxa lagu tilmaama Saxare la-mood ama Saxare xigeen,sababtoo ah roobka sanadkoo dhan da,aa aad buu uga yar yahay ka ka da’a meelaha ama gobolada wadamada kale qaarkood ย ee aan saxare la mood ka ahayn.
Hadii Abaari dhacdo waxa naf waaya dad tiro badan ,waxa ku baaba,a duunyo badan, waxaana ku baxa dhaqaale aad u badan ย waxaana lee,da nooleyaal tiro badan oo ku noolaan jiray deegaanka.
Dadka abaartu saameysay waxa loo geeyaa raashinย ha ugu badnaadaan Bariis, Galey ,iyo saliida aan dabiiciga ahayne .
Horta intaan la dalban gargaarย aan ahayn Bariis ,daqiiq iyo saliid Wali ma maqashay Kiintaalo kalluun ah ayaa Berbera looga soo gurayaa dadkii Nafaqadaradu haleeshay si loo soo kiciyo loona dhiso Difaacooga.
Ogow hada Badda dhulkan aad ku nooshahay waa 850 Km, haddana dadkaaga badankoodu waa sabool, dhallinyartuna badankoodu way shaqo laayihiin, dhaqaalaha waddankaaguna waa mid xariiqa wax lagu cabiro aad uga hooseeya, haddana wax qiyaasta ka hooseeya ayaa aroortii xeebta ka raadsada nolol maalmeedkooda.
Dhulka ku fiican wax soosaarku aad buu u balaadhan yahay balseย kuma filna ninka beeroolaha ah waxa uu soo saaraa,sababtoo ah wuxuu ku talo galayaa raashin caawimo ah oo ย ka ย iman doona Hay’ad ama Urur maxali ah sidoo kalena xirfadiisa wax soo saar maaha mid uu kaga haqab bixi karo baahida uu u qabo in uu wax la soo baxo ,mana jirto cid ka caawisa sidii uu sanadka dambe isku filaansho u gaadhi lahaa.
Maadaama oo aad Dhul saxare la mood ah ku nooshahay roobka ka da,aana yar yahay waxaa sidoo kale yaraanaya biyaha oo aan kugu filaanayn sanadkii oo dhan hadii aanad tabaabusho yeelan oo aanad ka faa’iidaysan dhibic kasta oo cirka ka soo dhacda, waa yaabe hadana biyaha ka soo dhaca cirka ย dhibic kasta oo ka mid ahi qiyaastii inย ku dhow am aka badan ย 90% waxay ku qulqulaan badda, waxay sii galaaftaan caradda san ee dhulka, waxay sidoo kale waxyeelo u gaystaan dhulka beeraha ,magaalooyinka iyo dadka iyo xoolaha ba.
Cadceed kasta oo oo soo baxda Malaayiin Dollar ayeynu kuย badelanaa qashin ,cudur ,saboolnimo ,burbur-qoyseed ,burbur ummaddeed, burburka waddankeena, burburka dhaqaalaheena iyo guud ahaan gabogabada nolosheena oo dhan, waxa laga yaabaa in aynu ugu yaraan 8 saacadood u fadhino ruugista ย caleen xaaraan ah iyadoo laga yaabo in carruurteenii yar yarayd saaka bishii dugsiga ama malcaamada lagu soo eryey.
Ma lihin cid damaanad qaada Caafimaadkeena, waxbarashadeena, biyaha aynu isticmaalo, laydhka gurigeena iyo wax kasta oo daruuri u ah jiritaanka nolosheena.
Nolosha waxaynu u haysanaa cadceed soo baxda iyo mid dhacda, laakiin mar kaliya umaynaan fiirsan hareeraheena waxa ka dhacaya.
Miisaanka ma saarnay waxa aynu haysano iyo waxa aynu u baahanahay inta uu le’eg yahay?
Labo iyo tobanka bilood ee sanadka ( 12 ) Lix bilood oo ka mid ah waxaynu ka cabanaa biyo la,aan ,abaar baahsan iyo omos, olol iyo baa’ba aduunyo oo saameyn ku yeesha Miyiga iyo magaalooyinkeena. Lixda kalena waa Lix daad iyo roob ina laayaan oo aynu ka cabanayno roobabkii oo waxyeelo inoo gaystey, iyagoo inagu soo fatahay daadadkii iyo biyo meel kasta fadhiya oo aan maalmo ama todobaadyo laga gudbi Karin.
Cabashadeenu sanadkoo dhan waa hanala soo gaadho ,noo soo yaacaay iyo Hay’addaha Caalamiga ahi ha nala soo gaadhaan gargaar deg deg ah .
Aduunyadan horumartey yaa caawiyey horta ,Sow iyagu halkaa ismay gaadhsiin miyaad maqashay sheeko sheegaysa Awoowgeenii Lixaad (6) ama Sagaalaad (9) oo Ingiriiska ama waddamada la midka ah gargaar iyo gurmad la gaadhey intay daadad ku fataheen, Malaha rooba kama da,o iyaga. Oo horta heedhe miyaanu baraf xoogan ku fadhiisan Maraykanka qaybo ka mid ah, miyaad maqashey ha la ii soo yaaco dadkeygii baraf baa laynayee ,sow isagu iskuma tashado ,sow iskumuu filna, qayrkeen ka hadhnaye maxaaย ina haysta, waxa laakiin u sabab in aynu mustaqbalkeena iyo danaheena ka fikiri wayno hortaagani waa maxay?
Waxaad is weydiisaa yaa inoo fikira, oo yaa kuu fikira ,oo yaad se ย u fikirtaa adigu ?
ย
WQ: Maxamed Yaasiin Cabdiraxmaan
Cilmiga Deegaanka ,Jaamacadda Hargeysa
Qaabeynta Magaalooyinka ,Machadka Shaqaalaha Dawladda ,Hargeysa โ2015 ilaa imika โ
Email: Yaasiin9111@gmail.com
Telephone: +252 63 4141263