12 Arriimood oo keeni kara in wax Akhriskaagu Yaraado Qaybtii 4aad (WQ: Mubarak Hadi)

Arrinta lixaad ee keeni karaysa in wax akhrisku kugu adkaado, waxa weeye luqadda aad wax ku akhriyayso oo aad isku dhibban tihiin.

Iyadoo wax akhrisku aanu weli caado kuu noqon (wax aad qabatintay), haddii afka aad doonayso in aad wax ku akhrisana uu  noqdo af illaa xad waxa aad ku akhriyayso aanad ku fahmi karayn, way adkaanaysaa in wax akhriskaagu xoogganaado. Waayo kolka horaba wax akhriska caado kuuma ahayn oo waad isku qasbaysaa, iyadoo ay sidaa tahay, haddii afka aad wax ku akhriyaysana aanu ahayn af aadan illaa xad aqoonta buugga ku duugan aadan ku fahmayn, way adkaanaysaa inaad joogtayso wax akhriska ama aad hesho xamaasaddii aad ku joogtayn lahayd.

Xal: Inta uu wax akhrisku caado kaaga noqonayo (wax aadan ka fekrin samayntiisa), isku day in aad wax ku akhrido  afkaaga koowaad ama afafka ay kuu fududdahay in aad wax ku akhrido. U jeedadu waxa weeye, halganka adag ee aad caado samaysashada ugu jirto in aanu kugu adkaan oo afkuna kugu noqon mushkilad labaad. Marka isku day inta aad ka noqonayso qof akhriyaa ah, in aad wax ku akhrido afka ama afafka aadan ku dhibbanayn wax ku akhrintiisa

 

La soco qaybta 5-aad.

Sii wadaag (Share) 🙂

Qore: Mubarak Hadi

 

Y O U T U B E: https://www.youtube.com/user/5486147/videos…

I N S T A G R A M: https://www.instagram.com/mubaarak_hadi/