Masiibadu adduunyada iyadaa u macallin ah (Wq: Rashiid Odowaa)

Ugu horrayn waxan dhibka la qaybsanaynaa walaaleheena  ay hantidii muddada 30 sano ku tabceen ay kaga gubatay dabkii qabsaday Suuqa  Waaheen hargeisa 1/april 2022 ilahay ha uga Cawil naqo,intaas ka dib waxaynu xusi lahayn dabku aduunka wuu ka dhacaa horena wuu uga dhici jiray waxay dadka aqoonta u leh gubashadu yidhaahdaan Dabku mar waa saxiib marka uu ku jiro gacanta kantaroolka marna waa cadow waa marka uu ka baxo faraha.

Taariikh ahaan dabku waa wax ay adduunyada badankeedu soo martay waxan tusaale u soo qaadan karnaa dabkii waynaa ee London ka kacay 1666 kii dabkaasi waxa uu baabi’iyay qaybo badan oo caasimadda London ah sababta keentay wuxu ahaa suuqa oo markaas intiisa badani ahayd looxaan iyo waxyaabo si fudud u guban kara waxa la sheegaa inuu dabkaasi ka kacay goor saq dhexe ah meel (moofo) ka dibna uu ku fiday qaybo badan oo caasimadda ah wuxu socday muddo 6 cisho wuxuu baabi’iyay 13,200 aqal iyo wixii hanti dhex taallay waxa jiray khasaarae dhimasho in kastoo aanay badnayn  waxay dadku qirayaan in aanay si wacan  wacyi gelin u haysan  khatarta dabku leeyahay sidoo kale waxa yaraa teknolojiyada Casriga ah.

Sidoo kale New York haddaynu soo qaadanno suuq aad u wayn oo ku yaalla badhtamaha magaalada 1835kii goor saq dhexe ah fooq kayd ah (ware house) ayuu dab qabsaday wuxu dabkaasi gaadhay (53,000sqm) wuxu galaaftay 530 ilaa 700 oo Guri iyo maaliyad lagu qiyaasay US$564milion waxa uu dilay laba qof  waliba waxa ganacsatada iyo dadka Companiyada lihi ay markasta ka war war qabeen in mar uun dab qabsan doono qaabka foosha xun ee suqaasi u degay wayna ka digeen in badan.

Waxa kale oonu soo qaadan donna Ottawa Canada dabkii qabsdaday 1900kii waxa ku dhintay 7qof waxa ku baro kacay 15000 oo qof waxa ku luntay hanti dhan US $ 9.500,000.

Magaalooyinkaas aynu soo sheegnay iyo qaar kaloo badan waayo aragnimo iyo ilbaxnimo ayaa laga faa’iiday waxanay noqotay taariikh la dhigo Carwooyinka oo jiilba jiil u gudbiyo waxay keentay in loo dego qaab qorshaysan oo ku talo galkeeda leh.waxa kale oo aynu ognahay in magaalooyinkani yihiin kuwo dhinac kasta ka horumaray maanta dunidan casriga ah.

Haddii aan u soo noqonno Hargeisa horumar ayay gaadhay 30kii sano ee dalka lagu soo noqday  waxay ku tallaabsatay magaalayn (Urbanization) iyo ganacsiga oo kor u sii kacay laakiin Horumarkaas waxaynu ku tilmaamaynaa sida ay dadka aqoonta u leh Horumarka sheegaan waa mid dheellisan (Lop sided Development) waayo Horumarka haddaan qorshuhu ka horrayn ma dhamaystirna.

Marka laga yimaaddo khasaaraha dhacay oo dabcan qadarka Eebe ku yimi waxa inala gudboon inaynu wax ka barano oo cashar inoo noqoto dib u dhiska danbe.

SOO JEEDIN

1-Waa in dadku ay u hogaansaaan lana shaqeeyaan hay’adaha ku shaqada leh dib u dhiska suuqa iyo habayntiisa Sida xukuumadda,dowladda hoose,Guddiyada loo xilsaaray iyo Ciidamada kala Duwan.waana in loo midoobo oo gacmaha la is qabsado sidii Hargeisa looga dhigi lahaa magaalo Casri ah.

2-Waa in dhamaan cid kasta oo wax haysaa iyo caalamkuba ka qayb qaattaan dib u dhiska suuqa iyo sidii dadkas loo kabi lahaa gaar ahaan bishan khayrka badan ee ramadaan.

3-Waa in Culayska laga yareeyaa Ciidamada Amniga iyo Howl wadeenada shaqada ka wada gudaha Suuqa waaheen marka laga reebo dadka baadhanaya hantidooda wixii ka hadhay.

3-Waa in la xoojiyaa  suuqyada degmooyinka ee imika jira si uu Culayska iyo saxmaddu uga yaraado Suuqa dhexe. Waayo imikaba waxa jira suuqyo waaweyn oo culayska ka yarayn kara suuqa dhexe.

4-Qorshaha cusub waa inuu noqdaa mid u diyaarsan gurmadka dab damiska oo la jaanqaada Dunida casriga ah oo waddooyinkii loo banneyo sidoo kale waa in qorshaha laydhka sida uu imika yahay wax laga beddelo waa in dhismayaasha loo sameeyaa Jaranjaro dibadda ah oo dadka iyo alaabta laga daad gurayn karo hadii uu dab qabsado sidoo kale guryaha waawayn sida fooqyada waa in loo sameeyaa kayd biyood si dab damisku uga qaadan karo haddii loo baahdo.

5- dhacdadan imika dhacday waa in la dhigaa carwooyinka sida madxafka Cusub ee imika la dhisayo.si jiilka soo socdaa ugu xisaabtamaan waa in loogu magac daraa “Gubashadii waynayd ee Hargeisa” si la isu waydiiyo maxay ka dhacday gubashadu

6-Waa in la kordhiyaa wacyigelinta iyo tababarka dabka ,waa in aqal kasta oo magaalada ah uu leeyahay qalabkii ka hortagga Gubashada  sidoo kale waa in haamo dab damiska la dhigaa guryaha.

7-Waa in guri kasta lagu xisaabtamaa walxaha laga dhisayo sida uu isaga caabbin karo dabka sidoo kale waa in suuqyada la kala saaro oo intii dhinac isu raaci karta la is raaciyo sida bakhaar.bacadle.Booshari qalab dhisme.Jilmadle.iwm si loogu dejiyo siyaasad u gaar ah.

8-Waa in guud ahaan magaalada waddooyinka xidhan la banneeyo xaafadaha isku raranta ah waa in loo habeeyaa qaab cusub.

Ugu danbayn waxan odhan karnaa Masiibadu Adduunyada iyadaa u Macalin ah.

 

Ramadaan kariim

 

Rashiid Odowaa

rashidsalan1982@gmail.com

063-4101213