Siyaasadu waa u dananaynta dadka u adeegidooda iyo u hadalkooga hadba xaaladaha lagu jiro iyo marxalada la joogo taasi oo qasab ku ah qofwaliba oo umadani ka doonaya in uu hogaamiyo iyo inta maanta talada joogtaaba in ay ka shaqeeyaan .
Duruufaha iyo waayaha dadka jamhuuriyada Somaliland ku soo noolaayeen aad bay u kala duwanaayeen waxaana laga soo bilaabay 1991kii meel aan dadka Somaliland qofna qof dhaamin xaga jeebka oo garbo siman la ahaa .
Haseyeeshee dadka dalka oo ku wanaagsan ganacsiga iyo hal abuurka ayaa sameeyey dhaqaale balaayiin dollar ah oo qayb wayni ku gubatay suuqii ganacsiga ee Waaheen oo gubtay 01-April-2022 noqdayna masiibo dhaqaale oo aan la fileyn oo ku habsatay dadka jamhuuriyada Somaliland gaar ahaan dadkii Caasimada Jamhuuriyada Somaliland.
Haddaba walow ay kaalinta Xukuumada ee ganacsigu kooban tahay haddana dastuurka dalka waxa ku xusan qodobadiisa 11naad ilaa 14naad waa ganacsiga, baananka , khayraadka iyo wax soosaarka dabiiciga ah iyo cashuurta & takaaliifta oo isku wada xidhan oo dabcan raba siyaasad lagu meel mariyo oo hagta habka dalku u shaqeynayo.
Haddaba xiliga lagu gudo jiro oo ah bil barakaysan ayaa waxaa ku soo beegmay dhawr marxaladood oo dalka iyo dadka culeys dhaqaale iyo nololeed ku ah oo kala ah ;
1- Qiimaha badeecadaha ganacsiga guud ahaan gaar ahaan raashinka iyo quutul daruuriga oo aad u qaaliya xili ay dadka muslimka ahi bishani aad u isticmaalaan raashinka iwm oo qaybna la sadaqeysto .
2- Shaqo la’aan baahsan iyo lacagta inta shaqeysaa qaataan oo aan waxba badan nolosha ka kafaynayn ,iyaga oo dadka shaqeeyaa dalka ay ka yar yihiin 10% ayaa ay isugu jiraan shaqaale mushahari ah oo bil wax lagu siiyo , iyo shaqaalaha xoogsatada ah ( muruqmaal ) iwm oo maalin dirirka nolosha eryada , labaduba duruuf ahaan waxa ay qaadanayaan waa wax aad u yar oo noloshooda aan si fiican u kafayn karin isla markaana ma jirto siyaasad iyo sharci eegaya qofku inta uu ku shaqeyn karo saacadii oo ku sar go’an nolosha dhabta ah .
3- Dhaqaalaha dalka oo taagnaa marka horeba oo ay siyaasada xukuumadani intii ay joogtay aanay sameyn in maadaama la isku daba nool yahay ay dhaqaalaha fur-furto ayaa sababay in marba marka ka dambaysa wax kala iibsiga iyo dhaq-dhaqaaqa ganacsigu yaraado kaasi oo saameyn ku leh boqolaal kun oo qof.
4- saameynta uu dhaqaalaha dadka reer Somaliland ku yeeshay suuqii weynaa ee Ganacsiga ee Waaheen oo ay ku burburtay hanti lagu qiyaasay 1.5 bilyan ilaa $2 bilyan iyo waxii ay soo saari jireen daqiiqadii, saacadii ,maalintii iyo bishii oo dad hal milyan ku dhow ay siyaabo kala duwan ugu noolaayeen oo guud ahaan dalka saameysay , gaar ahaana Hargeisa.
5- Hoos u dhac ku yimid waxii ka soo degayey dekeda ama dalka dibada kaga imanayey oo ay dawladuna dhaqaale ka hesho dadkuna siyaabo kala duwan uga shaqeystaan oo noloshii dadka iyo suuqyadii ku yeeshay hoos u dhac weyn.
6- Roobabkii gu’ga oo dib uga dhacay xiligii la sugayey mudo bil ah ( 30 maalmood ) oo saameyn nololeed iyo cidhiidhi dhaqaale ku abuuray dadka iyo dalka Somaliland miyi iyo magaaloba xili aad waayuhu u adag yahay.
7- Ganacsatada keenta dharka , kabaha , raashinada , gaadiidka, iwm oo faaiido doon ah maadaama bisha Ramadan ilaa Carafo ay dhaqaale heli jireen ayaa saameynta dhaqaalaha aduunka ay u dheer tahay qiimo barar ay iyagu wax walba dulsaar dheeri ah saareen.
8- Shidaalka oo ah mid ka mid ah arimaha ugu waaweyn ee nolosha dadku ku tiirsan tahay maadaama wax waliba Shidaal ku shaqeeyaan oo aanay dadka jamhuuriyada Somaliland gaadhi in ay sameystaan tamar kale oo ay kaga maarmaan ayaa isaguna saameyn ku leh nolosha maalinlaha ah , ta guud iyo xaaladaha cakiran ee dhaqaale.
9- Xukuumada oo ku jirta sanadkii ugu dambeeyay lana filayo in doorashooyin sadex ahi dalka ka dhacaan sanadkan 2022 ayaa waxa dib u dhacay maalgashiyo badan oo dalka lagu sameyn lahaa oo dadka Somaliland iyo maalgashadeyaasha caalamiga ahi dalkani gashan lahaayeen , waxaana uu saameyn ku leeyahay dhaqaalaha dalka.
10- Nidaamka loo maamulo sarifka iyo lacagta dalka , baananka dawlada iyo kuwa aan dawliga aheyn oo aan saacideyn nolosha iyo dhaqaalaha dalka , sababta oo ah siyaasada dhaqaalaha dalku waxa ay ahayd in ay siyaasada maamulka lacagta wada shaqeeyaan si wareegtada noloshu aanay u istaagin .
11- Wax soosaarka dalka oo aad u hooseeya iyo siyaasada qaranka oo aan wax ka badel iyo casriyeyn lahayn ayuu dalku dareemayaa culeys weyn oo xaga nolosha iyo dhaqaalihii qoys ilaa qaran , waxaana la yaab ah dal miisaaniyada 35% in ka badani nabadgalyo ku baxdo 20 kii sanadood ee ugu dambeeyay oo aan marqudha dib u eegis lagu sameyn si loogaga faaiideeyo xaga wax soo saarka iyo horumarka dhaqaalaha badan ee meelahaasi ku baxa.
12- Xukuumada oo aan lahayn hal abuuro kale oo ay qaranka dhaqaalihiisa iyo wax soo saarkiisa kor ugu qaado oo kaliya cashuur uun daba taagan , isla markaana aan jiheyn sax ah iyo baahiyaha hadba taagan ku sargoyn maalgalinta aduunka ka timaada iyo lacagta sanduuqa SDF ayaa qayb ka ah xaaladaha dalka ka taagan.
Inahani ayaan aragti ahaan qabaa in ay saameyn taban ku leeyihiin nolosha dadka jamhuuriyada Somaliland iyo xaaladaha ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka iyo guud ahaan nolosha bulshada ku abuuran Jamhuuriyadda Somaliland.
Somaliland oo aan taageero dhaqaale iyo kab miisaaniyadeed aan ka helin beesha caalamka xili ay dalka ka dhaceen ;
1- Duufaano laxaad leh oo xeebaha jamhuuriyada Somaliland ka dhacay badhtankii sanadkii 2018 oo dad , xoolo iyo beeroba ay ku baaba’een.
2- Xanuunkii Covid19 oo ay jamhuuriyada Somaliland aduunka kala sinayd oo ahaa badhtamihii sanadkii 2020 oo saameyn dhaqaale iyo nololeed ku yeeshay dadka dalka jamhuuriyada Somaliland iyo dawladaba .
3- Gubashada suuqii weynaa ee Waaheen oo jamhuuriyada Somaliland ku ah laf jab dhaqaale oo culus ayaan wali yabooha gargaarka iyo baaqyadii dunidu kaga soo jawaabtay aan la helin wax dhaqaale ah oo lagu soo kaban karo.
Arimahani dhamaantood waxa ay ku beegmeen xili ay siyaasada jamhuuriyada Somaliland iyo ta gobolkaba uu isbadel ku yimid oo khilaaf weyni soo kala dhex galay jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada Federalka Somalia oo aduunku uu isugu soo daray dhaqaalaha iyo waxwalba oo taakulo iyo horumar ah maadaama aan jamhuuriyada Somaliland wali dal gaar ah loo aqoonsan ayaa sababay isbadel weyn oo xaga dhaqaalaha ah oo dalka ka taagnaa mudadii xukuumadani joogtay.
Isku soo wada xoori qaranku waxa uu u baahan istaratijiyad iyo siyaasad dhaqaale kobcin oo ka xeeldheer cashuur la guro iyo kaalmo dibadeed waxaana muhiim ah in umadani ku dul gaajoonaysa dal qani ahi ay hesho hogaamin sigib tiran oo dalka kala dabaalatada marxaladahan adag iyo qaab siyaasadeedkan u eeg kii shuuciyada ee xukuumada talada haysaa ku maamusho dhaqaalaha iyo dalkaba.
Mohamed Abdi Jama
Dhimbiil Mohamed
dhimbiil@live.com