Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Ayaa Maanta Qaabiley Safiirka Dalka Ingiriiska

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabiley safiirka Dalka Ingiriiska Kate Foster oo safar shaqo ku timid Somaliland.

Waxaana Kulankaa lagaga wada hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen sidii dawladda Ingiriisku guud ahaan Somaliland uga taageeri lahayd masiibadii gubashadii suuqa waaheen iyo sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen taakulaynta abaaraha dalka ka jira.

Sidoo kale waxa laga wada-hadlay xoojinta xidhiidhka labada dal iyo guud ahaan adkaynta amniga gobolka oo ay Somaliland marwalba ka ciyaarto doorkeeda ugu habboon iyo dardar-gelinta hawlaha doorashooyinka Somaliland ku soo foolka leh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilandna waxa uu dhankiisa uga mahadnaqay dawladda Uk, fariimihii tiraanyada gubashadii suuqa Waaheen ee Ra’iisal wasaaraha dalka Uk, wasiirka arrimaha dibeda, golayaasha, xildhibaanada iyo guud ahaan shacabka UK ay ula qayb-sadeen shacbiga iyo xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ugana tacsiyadeeyeen dhibkaasi soo gaadhay suuqii ganacsiga ee ugu weyna Somaliland.

Waxaana madaxweynaha kulanka ku wehelinaayey wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud. Dhinaca weftigana waxa safiirka ku wehelinaayey wakiilka Dalka Ingiriisku u fadhida Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Lizzie Walker iyo Morgan Riley Madaxa horumarinta xafiiska Uk ee Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

 

—                    Nasir Yusuf Dahir

Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland

Line: 518390

https://madaxtooyadajsl.com/

https://somalilandnation.com/

https://www.facebook.com/XafiiskaAfHayeenkaMadaxtooyadaJsl?ref=hl

https://www.youtube.com/user/nasirnaska/videos