Maxay u guursan waayeen? (Wq: Cabdiraxmaan Hayaan)

Waxa uu ku jiraa da’dii guriga laga sannifi jiray ee xataa xaafadda kuwa ugu yaryari hadalka aanay kala gabban jirin! Waliba hadal uun maahee ka loogu sheegayo inuu wakhti dhaafay oo xilligii uu reer samayn lahaa la gaadhay. Balse wax waliba waa qaddarta ILaahay e isagu xaalkiisu waa cadduur dhawdhawdu uma dhacsana.

Wa da’aadda soddomeeyada, inkasta oo qofka da’ iyo wax ku saabsan la soo hadal qaada ay kala dhintaan haddana inta guriga joogta cid u qarisaa ma jirto, habluhu ha ugu darnaadeene, waayo iyaga waxa ku dhaca culayskiisa nololeed. Dhar maydhkiisa, kaawiyadayntooda inkasta oo baryihii u danbeeyay ay islaba liiteen hablaha hawshiisuna ay ka soo dhacday oo islaanta uuni ku qaasabto si ay isaga qalbigiisa u ilaaliso. Haddii ay qof guriga ka mid ah is qabsadaan wiil iyo gabadh ka uu doono ha haadee, marwalba isaga ayaa lagu oogaa gardarrada. Markaaba waxa lala boobaa hadallo isaga wax uun yeelaya. Maxaad aduu ka qabtaa guriga ninkaagan 30 jirka ah? Orodoo magaalada naag ka raadso, annaga ma naagtaadiibaad na moodaysaa? Haddii uu shaadh waayo qof uu weydiin karaa ma jiro waxa uu ka baqayaa in afka lagaga boodo, annagu ma shaadhkaagaanu ka shaqaynnaa? Orodoo cid dharkaaga ka shaqaysa raadso? Ayaa loogu jawaabayaa.

Haddii uu mid far saaro isaga oo ka fal celinaya af lagaaddada joogtada ah ee  lagu hayo ninka reerka uweyn guriga oo dhan baa isla oogsanaya markaasuu diiqad iyo cidhiidhi galayaa, inuu iska aamuso wax ay ku dhaanto ma leh. Xaalkiisu waxa weeyaan uun kii Ina-Xagaa dheere oo kale, haddaanu hadalnana waa af-sallax ku dhaggayagii, haddaanu hadalnana adhiga sidaa laga dayn mayo.   Waliba waxa uu ku nool yahay hooyadii oo qof wanaagsana isna uu mararka qaarkood intii uu shaqada helay hoosta wax uga yara dhiibo, ayaa marka ay maqasho iyada oo yaryarku u tirinaya ka gilgilata oo tidhaa naa/waar ka xishooda inankiinna weyn, haddii aanay islaantaasi joogin malaha guriga habeen umuu hoydeen.

Haddaba ninka maxaa keenay inuu guriga wakhtigan ku soo gaadho? Ma hanti la’a oo waa uu shaqaystaa, balse waxa haysata dhib kale oo raga dhallinyarada ah qaar badan oo ka mid ahi la kulmaan noloshooda, haba yaraatee waxaba kama yaqaanno haasaawaha hablaha gashaantimaha ah iyo halka looga bilaabo, haddii ay iyadu ku bilawdana ma yaqaanno sida loo sii wado ee sheekada loo godliyo loona xoodaamo. Inan kasta oo ay muddo kooban is dhex galaan waxa ay kaga cabataa inuu uga sheekayanayo wax aan dani ugu jirin, shaqadiisa sida uu u qabto, dadka la shaqeeya iyo waxa dhex mara, sida ay isku yihiin maamulihiisa IWM. Taasi uma baahan gabadh guurdoon ahi, waa inaad hindise guur iyo hordhiciisa uga sheekaysaa kolba si aad ku soo gashaba, dad is guursaday, qaar reero qurux badan dhistay oo nolol fiican galay, qaar nolol adag isugu samray, qaar is furay iyo wixii ay isku furee, qoysaska wanaagsan calaamadahooda IWM. Ninkani haddaba arrimahaa wax uu ka yaqaannaa ma jirto inan kasta oo hadal u yar bilawdaana waxa ay kaga cabtaa sheeko xumo.

La soco qaybta labaad……

Cabdiraxmaan Hayaan

cbdrxmngeni@gmail.com