Aamiinta kor ha u qaadin ilayn Sheekha ina tukinaaya isku Qabiil ma nihine (WQ: Qareen Khadar Ibraahim Aar)

Qabiilku waa shay Illaahay csw uu kidaabkiisa Qur’aanka ah ku sheegay, kagana waramay xigmada iyo waxa uu uga jeedo isaga oo yidhi:

 “.يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُمْ مِنْ ذَكَرٍ وَأُنْثَى وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِنْدَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِير”

Dadow waxa aanu idinka abuurnay lab iyo dhadig, waxa kale oo aanu idinka yeelay shucuub iyo qabaa’il, si aad isu aqoon sataan, balse Illaahay aktiisa waxa sharaf ku leh kuwiina ugu Alle ka cabsiga badan, Illaahayna waa Khabiir waxkasta og.”

Haddaba Qabyaaladu waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu liita dhaqamada ka jira d aynu ku nool nahay, waana waxyaabaha baabi’in kara bulsho kasta xataa haddii ay Diin, dhaqan, deegaan, luqad iyo waddan ay wadaagaan.

Tusaale fiican waxa u ah dhibaatada ay Soomaalidu maanta ka dhaxashay qabyaalada iyo qolo’qolada, taasi oo ku tusinaysa in maanta taako kasta oo Soomaaliyi joogto oo aan qabyaalad lagu haynini aanay jirin, waana waxyaabaha ay la kuftey ee ilaa maanta ka soo kaban laadahay.

Qabyaaladu waxa ay noqotay maanta wax lagu qiimeyo qofka iyada oo aan loo egayn sharaftiisa, karamadiisa iyo xataa Diintiisa, Qofkasta oo maanta inaga mida waxa uu wax ku qimaynayaa Qabyaalad iyo qolo qolo.

Mabay xumateen haddii Qabyaalada lafteedu ay tahay mid leh cabir lagu garto isla markaana aan dhaafayn mel cayiman, balse waxa ay dhibtu noqotay Qabyaaladii malaha meel go’an oo ay ku istagayso, waana shay haddii aan Illaahay kaa nabad galin maalinba heer kula istaagaysa ilaa ay ku dhaxal siiso in ay iska kiin horkeento Inan iyo Abtigii, sodog iyo seedi iwm.

Waxyaabaha maanta Qabiilka xooga u yeelay waxa ka mid ah Maamul Goboleedyada Soomaaliya loo sameeyay, taasi oo keentay in Reerkastaa uu soo ooto xayndaabkii uu qabiilkiisu daganaa, isaga oo Odaasina kusoo xareeyay Qabiilkii uu islaha waa aad ka awood badan tahay ama waad ka tiro badan tahay.

Habeen habeenada ka mid ah ayaa nin iyo xaaskisii oo Tv ga si wada jira u wada daawanaya isla markaana ay Carruurtoodii dhammaan wada garab joogaan, ayaa waxa Tv ga kasoo galay war odhanaya in laba maamul Goboleed oo Soomaali ahi ay isku haystaan xadkii u dhaxeeyay, iyada oo Tv ga hanjabaado la isu marinaayo.

Haddaba Reerkii nabada iyo caanaha ku wada nolaa ayaa waxa ay arkeen in ay Tv ga ay iska caayayaan isuna dharanayaan laba maamul goboleed oo ay kasoo kala jeedaan.

Gabidhii ama Marwadii Reerka ayaa waxa ay aragtay oo Tv ga ay ka daawatay isla sacadahaasi in Maamul goboleedkii ay Qabiil ahaan kasoo jeeday dhulkii lagu haysto, iyada oo ay ku haystaan Qabiilada uu ninkeedu kasoo jeedo.

Taasi waxa ay keentay in isla habeenkasi uu Reerkii fadhi ku dirir, muran iyo dagaal uu dhex maro, ilaa heer ay gaadhay in Gabadhii ay Gurigii ka du’do, taasi oo aakhirkiina dhaxal siisay in arrinta loo ban’dhigo odayshii Reerka ee ay kasoo jeedeen labadoodu.

Waxa isu yimi odayshii Reerka, waxa la guda galay gartii iyo xaajadii, waxa lasoo fadhiisiyay labadii dhinac ee Reerka waa Ninkii iyo Gabadhii, waxa midkasta la waydiiyay dhibta iyo xaqdarada uu ka tirsanaayo kan kale.

Mudanahii iyo Marwadii reerka ee mushkilada fadhi-ku-dirirku ay dhex martay, waxa ay goobtii ka cadeyeen in aanay marnaba wax khilaafa oo iyaga ka dhex oogani in aanu jirin, balse haddana waxa uu midkastaba hoosta-ka-xariiqay in uu ka cadhooday xadgudubka iyo gabood falka uu ku sameeyay Maamul Goboleedka reer hebel.

Halkii laga filayay in Odayaashii reerka ay arrinta Qoyska xaliyaan, ayaa waxa iyaga laftoodii ka dhex bilaabmay xafiltan iyo xanaaq ay isu qabeen, kaasi oo salka ku hayay isla mashkilada reerka laftiisa dhibta ka dhex dhalisay ee Maamul Goboleedka.

Gartii iyo Gogoshii la isugu yimi waxa ay noqotay mid lagu kala kaco, iska daa in la xaliyo arrintii reerkee, waxaaba bilabantay mushkilad kale oo hor leh oo ka dhex abuurantay labadii qabiil ee ay kasoo kala jedeen Ninkii iyo Gabdhii.

Haddaba hadii maamul goboleedka dhinaca wanaagsan laga eego ma xumo in waddan ama Dawlad loo qorsheeyo in ay qataan nidaamka ku dhisan maamul goboleedyada, waana wax fiican haddii sida uu yahay loo raaco, waxaanay dhiiri galinaysaa in Gobolkasta uu isku tashado, taag iyo tamar waxa uu leeyahayna uu muujiyo.

Balse marka loo kuurgalo dhaqan keena Soomaaliga iyo Qabyaalada heerka aynu ka gaadhnay, waa ay adag tahay in la is waafajiyo maamul Goboleed iyo Qur’aankan xididaysatay.

Akhristow bal hada qisadan ila akhri:-

Laba nin oo saaxiiba ayaa masaajid salaadii Jimcaha soo galay, waxyar ka bacdi Sheekhii masaajidka Imaamka ka ahaa ayaa waxa uu u kacay Khudbadii Jimce si uu dadka ugu akhriyo.

Kadibna waxa uu sheekhi akhriyay Khudbad aad iyo aad u qiimo badan, taasi oo shucuurtooda wada kicisay dhammaan dadki masajidka ku jiray, oo ay ka mid ahayeen labadaasi nin ee saaxiibka ahaa.

Markii Masaajidka laga soo dareeray ayaa waxa isasoo raacay Labadii nin ee saaxiibada ahaa, waxa ay cabaar ka sheekaysteen Sheekha iyo sidii qiimaha lahayd ee uu maanta u wacdiyay, waxa ay is tuseen in nuxurka khudbada Sheekhu ay ahayd mid Illaahay loogu dhawaado.

Labadii nin ee saaxiibada ahaa, gorfayntii iyo wanaagii ay lahayd khudbadii Sheekhu, markii ay isla garteen in ay tahay biya’kama dhibcaan ah, isla markaana midkastaba uu ka kale ku dhiiri galiyay in aan marnaba la moogaan dhagaysiga iyo ku camal falka wacdiga Sheekha, ayaa waxaa gadal la iska waydiiyay sida inoo cadaada ah Qabiilka Sheekh iyo cida uu yahay:-

“Waar heedhe waxaan ku wadiiyay, horta Sheekhu yuu ahaa?.”

kadibna kii kale ayaa waxa uu ugu jawaabay isaga oo gafoorka cirka u taagaya:-

“Waar nin yahaw ilayn wax ma ogid oo miydaan garanayn waa Reer Hebile!.”

Kadibna inta uu ninkii xanaaqay ayaa waxa uu yidhi:-

“Waar haddaa Sheekhna maahee waa Beenaale, oo anaa kaa aqaana qiiq ayuu isku qarinayaa, waligii waxba muu baran, waxba ha ka dhagaysan kaasi, waa tuug. Subxanalaah.”

Akhristaw waxa taasi ku tusinaysaa aqoongaabnida iyo qolo nacaybku halka uu inaga gaadhay, bal u fiirso Sheekhii ay hada aqoonta iyo cilmiga ku amaanayeen, una qirayeen sida uu isu waafajiyay wacyiga jira iyo Diinta, waxa uu sharaftii iyo karamadii ay u qireen uu ku waayay waa qabiilka uu yahay.

Maalin maalmaha ka mida ayaa waxa lagu jiray Masaajid, waxana lagu guda jiraa Salaadii Faralka ahayd, kadibna Sheekhii ayaa markii uu Fataxadii dhameeyay, ayaa halkii laga sugayay in ay dadku yidhaahdaan Amiiiin, ayaa laba Nin oo isku garab tukanaayey, qabiil ahaana Reer kasoo wada jeeda, ayaa mid ka midii kii kale Suxulka ku gujiyay isaga oo ku leh:

 “Amiinta ha ku saacidin ninka Imaanka isku qabiil ma nihine.”

Dhibaatooyinka Qabiilka waxaa ka mid ah in nin waxmatara ah, oo aan dal iyo dad toona waxba ugu filayn, haddii maanta aad wax ka sheegto ood aad wax ka taa’tabato dhaliilaha uu leeyahay iyo fadhiid nimadiisa, waxa markaaba Budka kuu qaadanaya qabiilkii uu ahaa iyaga laftoodu aan wax ay ku qabaan aanay jirin.

Waxa kale oo jira in qof kasta oo maanta soo bandhiga fikir iyo araa waxtar leh oo ummadda ay dani ugu jirto, waxa hubaal ah in bulshada inteeda badani aanay qimaynayn waxyabahasi uu soo badhigay, balse ay jecel yihiin in ay horta ogaadaan Qofkaasi cida uu yahay, si ay miisaan qabiilka ee qaldan u saraan.

Taas waxaaba kasii daran, haddii qof aqoonyahan ahi uu soo bandhigo fikir dadka iyo dalkaba wax u taraaya, horena loo garan waayo Qabiilka iyo cida uu kasoo jeedo, intaa lagagama hadhee waxa la raadiya cid isaga taqaana meesha uu ka yimi iyo cida uu yahay, iyada oo ujeedada loo dabagalaya ay tahay in looga hortago fikirkaasi uu soo jeediyay.

Haddaba waxa iswaydiin leh maxay ayaa ilaa xadkaa loo daba galayaa qofkan aqoonyahanka ah, sababtu waxa ay tahay cida daba galaysaa ma rabto cid aan Qabiil kooda ahayn in fikirkan iyo horumarkan ay soo jeediyaan waana xasadka maanta Soomaali halkaasi dhigay.
Waxyaabaha iyaguna iminka dhibadada inagu haya waxa ka mid ah, in fikir ama qorshe, ha fiicnaado ama ha xumaadee uu qof soo jeediyay, in dusha laga saaro qabiilka uu yahay ninkaasi.

Qofkasta oo Illaahay abuuray waxa uu kasoo jeedaa Qabiil iyo reer mana aha wax uu isagu doortay balse waa wax uu u dhashay, qabiil kastana waxa uu leeyahay xeerar iyo qawaaniin uu qabiilka kale kaga duwan tahay.

Qabiilku maaha sida ururada wax haddii aad ku xad gudubto laga saari karaayo ama aad adiga laftaadu awood u leedahay in aad ka baxdo, balse waa Jimciyay intuu wada dhalaytayba ay isku afgarato.

Abtirsiinta Qabiilku maaha wax meeltagan oo leh Oday loogu soo hagaago, balse qabiilka laftiisu waa wax is badbadala marka ay qarniyo soo wareegaanba.

In Qabiilku aanu lahayn tiir ama Oday loogu soo hagaago waxa ku tusinaysa, dhammaan Bini’aadmigu waxa ay ka yimaadeen Adam iyo Xaawa cs, haddana maanta ma jirto cid Adduunka ku abtirsanaysa oo wax isugu qabanaysa isuguna hiilinaysa Adam ayaa ina wada dhalay.

Maanta Soomaalida guddaheeda waa ay adag tahay in qoysna qoys aminaa, xataa haddaad u fiirsato kuwa haybta sare wadaaga ayaaba isugu sii daran.

Waxa kale oo Qabyaaladu ay ina dhaxalsiisay in xataa horumarkii Dalka laga qaban lahaa uu noqday mid fadhiida, sababta oo ah, dadka qaar waxa ka dhaadhac-san, in haddii aanu Madaxwaynaha Dalku aanu Qabiilkiisa ahayn in aanu waxba u qabanayn.

Waxa iyana meesha ku jirta, in siyaasiyiinta waddanka ka talinayaa ay yihiin kuwa Batroolka iyo Basiinka ku shubaaya si qabiilka iyo qabyaaladu ay kor ugu kacdo, taasi oo ay uga jeedaan in ay kaga faa’iidaystaan dadkan maskaxdoodi iyo miyir kodiiba ay qabyaaladu ka tagtay.

Waxyaabaha Qabyaaladu ay ina dhaxalsiisay waxa ka mid ah in xataa Masaajidii Illaahay ee lagu cibaadaysanayey, maanta Qolo qolo loogu kala tukado, taas waxa u daliil ah Masaajiida qaarkood marka aad soo gasho waxa aad dareemaysaa in aad qaloonayso.

Dhibaatooyinka Qabyaaladu ina dhaxal siisay waxa kale oo ka mid ah, in is dhex galkii guurku uu kusoo koobmay in Ninkastaaba ama Gabadhkastaaba ay Guursato qof la qabiil ah, taasina waxa ay lumisay is-dhex galkii, xidid iyo xigaal nimadii dadka ka dhaxayn jirtay.

Qabyaaladu waxa ay maanta maraysaa in aanad shaqaba siin shaqana aanad u raadin qof aan kula qabiil ahayn, waxa iyaduna marag madoona in xataa Waxbarashada ardaydu ay ka helaan wadamada dibedda in lagu xusho qabiil.

Hadaba maxay ayaa sababay in Qabiilku uu markasta sii xoogaysto:-

Sidiisaba Bini’aadmigu waxa uu ka baqaa laba arrimood oo kala ah, sharciga iyo awooda, sharcina ma yimaado haddii anay jirin awood fulinaysaa Soomaalidana sideedaba waxa aad u tamar yaraday Awoodii Dawladnimo, kadibna waxa kor u soo kacay taladii Qabqablayaasha qabiilka oo ka casriyaysan tii hore ee aynu naqanay.

Soomaalida Qabiilku waxa uu u yahay, Dawlada kaliya ee ay ku kala qadato Magaha, Somalidu waxa ay isugu qadhaanta Qabiil iyo qolo, tasi ayay waxa ay kaga kalsoon yihiin shayga Dawladnimada layidhaa, Qabiilku waa Igshoranka aynu magta ku kala qaadano.

Qabiilkasta waxa uu leeyahay xeerar iyo qawaaniin uu ku dhaqmo, kuwaasi oo uu dadka kalena kula dhaqmo, waxa aad maqlaysaa labadaasi Qabiil xeer ayaa u yaala.

Awooda Qabiilka waxa ka mida ah, ninkasta oo maanta nin dilaa iyo dhiig iyo Dhagar gaystaa,waxa uu kalsooni buuxda ku qabaa in Qabiilkiisu gar iyo gardaraba uu garab istaagayo, taasina waxa ay keentay in awoodii Dawladdii ay lahayd ay diciifto.

Inta badan xidhiidhka iyo sharciyada ay qabiiladu dhigataa maaha wax sugan oo cadaalad ku dhisan, waa wax dhacdo ama mushkilad markaasi dhacday ka samaysmay, waa xeerar iyo dhaqamo maalinkasta isla badala dhacdooyinka iyo xaaladaha uu reerka soo mara.

Qabiilka in si qaldan loo isticmaalo waxyaabaha kale ee maanta awooda u yeelay waxa ka mida, madaxdhaqameedka aan xadka lahayn ee iska soo daba dhalanaaya sida Salaadiinta Cuqaasha iwm.

Mabay xumaateen haddii Madax dhaqameedku uu ku eekaanayo shaqadii loo caleema saaray ama uu isu caleemasay, balse waxa uu markiiba ka bilaabayaa shaqada dhinaca siyaasada, kaasi oo gacan saar la yeelanaya siyaasiyiintii markii horeba soo abaabushay Sandanadiisa.

Allah ha u naxasiirtee Cabdilaahi Suldaan Timacadde ayaa Gabayadisii gubaabada ahaa ee uu Qabiilka inagala talinaya waxa ka mid ahaa :-

Ubadkiinii waad daadiseen waana dubateene

Dubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaarede

Dariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa deyeye

Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela e

Nin ka duday distoorkioy waxyiga diinti ka carrowye

Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo daynin kala qaadka

Dibaddaan ka joognaa sharciga daacadda Ilaahe

Danbarkeedu waa Jahannama iyo dogobkii naareede

Dir dir la isu laayiyo intaan weerar daba joogno

Ooy dumarku weerkii sitaan danabadii waayey

Uu sida dureemada u yaal meydku dibaddiinna

Wallee doogsan maysaan haddaad dunida joogtaane

Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

Illaahay cw waxa ii yidhi:

.”يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُمْ مِنْ ذَكَرٍ وَأُنْثَى وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِنْدَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ”

Illaahay csw waxa uu Qur’aanka inoogu sheegay in Qabiilka uu u sameeyay oo kaliya in la isku garto la iskuna aqoonsado.

Waxaa ila fiican in laga fogaado lagana dheeraada halku dhigyada, gabayada, maahmahyada iyo dhammaan heesaha dhiiri galiya Qabyaalada iyo sida xun ee loo isticmaalayo.

Waxa aan naftayda iyo tiinaba kula dardarmayaa in aynu ka foogaano inta aynu ka fogaan karno qabiil iyo qolo nacayn, taasi oo aynu if iyo akhiraba aynu ku seegayno.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

https://twitter.com/khadar_aar

Waxa Qoray: Qareen Khadar Ibrahim Aar