Lix qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday bas marayay deegaan ka tirsan magaalada Mandheera, ee Waqooyi Bari Kiiniya.
Warbaahinta guddaha Kiiniya ayaa ku warramaysa in dabley hubaysan ay rasaas huwiyeen laba bas oo halkaasi ku safrayay. In ka badan 20 qof ayaa halkaasi ku dhaawacantay.
Weerarka maleeshiyaadka ay gaysteen ayaa imanaya maalin un kaddib markii Maraykanka uu qeyba ka mid ah Kiiniya ka soo saaray digniino dhanka socdaalka ah.
Ragga hubaysan ayaa waxa ay kamiin u galeen laba bas oo u safrayay Mandheera oo marayay meel u dhaw xuduudda Soomaaliya, kaddibna rasaas ay oodda kaga qaadeen.
Dawladda Kiiniya ayaa horay uga digtay suuragalnimada weerar argagixiso oo ka dhaca dalka xilli ay gebagebo marayso bisha barakaysan ee Ramadaan.
Guddiga ammaanka ee Mandheera ayaa sidoo kale uga digay dadka aan Soomaalida aheyn in todobaadkan ay dhulka ku safraan iyadoo laga cabsi qabay weeraro in lagu qaado.