Af Qalaad (WQ: Xasan Cabdi Shire )

Sida ku cad qaar ka mid ah dhowr cilmi baadhis oo loogu kuur galay arrimaha afafka kala duwan, tiradooda iyo tamartooda, waxa lagu ogaaday in maalin kasta dunida ay sii dabar go’aan qayb ka mid ah afaf ka dunida, taasi waxay si cad oo muuqata inoo tusaysaa fa’iidooyin badan iyo xogo badan oo ay xambaarsanaayeen in ay sii le’anayaan, intooda badan lagama sameeyoo dhigaal dad badan anface ama taariikh, waa mid ka mid ah sababaha dunida weli loo boobaayoo taariikhaha kala duwan oo dadyow kasta u sheegtaan xoggo aanay lahayn,  mar haddii dad kii difaacan lahaa god-galeen, afkii difaacan lahaa sii dabar go’ay, kayd la tixraacaana aanu jirin, ama dadka qaarkood afkooda oo kali ah ku mitideen kana dhego adaygeen afafkii kale. Aan mawduucan u soo noqdo, si gaar ah u eegno sidey fa’iido u leeyihiin barashada afafka qalaad iyo doorka ay ku leeyihiin nolosheena iyo diinteena.   

Waa arrin daruuri ah oo saaran qofkasta oo Islaam in uu barto afkii Alle ku soo dejiyay kitaab ka xaniifka ah ee Furqaan iyo afka/luuqadda ay ku qoran tahay Axaadiistii Nebi Maxamed NNKHA, sidoo kale fahmo/garto cilmigaas muggiisa iyo muhiimadiisa, ujeed kaygu waxa weeyaan in la bartaa afka/luuqadda Carabiga waa daruuri qof kasta baahane u yahay, si loo helo bad-baado cibaado iyo cilmi diineed labadaba, lagana bad-baado wer-werka adduun iyo mid aakhiro, oo lagu nasto Raxmadaas guud ee Alle adduunka ku manaystay addoomadiisa soo ajiiba baaqaas. Dhanka kale Carabigu waa halka laga minguuriyo guud ahaan naxwaha (the grammar) ay ku jaan go’an yihiin afka/luuqaddaha kale ee Cajamiga ah. Hadal iyo qoraalna waa naxwe (grammar).

Marka laga tago afka/luuqaddaas (Carabiga) dadka oo dhan ka dhexeysa, waxa soo hadha afka/luuqaddaha kale ee Cajamiga ah, kun ku hadlaan dadyoow Muslim iyo gaalo leh, qaarkood Alle ku baryaan kuna caabudaan afkooda, sidoo kale ku fahmaan nolosha Islaamnimada ee ay aqbaleen/qaateen, waxaana ka mid ah dadyoow-gaas, dadka  Soomaalida ee ku hadla afka Soomaaliga iyo dad ka  ku hadla afka Ingiriisiga, farqi uma dhexeeyoo labadaas luuqadood, marka laga tago luuqad kasta sidii loo adeegsado hadal ahaan iyo ficil ahaan, waa labo luuqadood oo isku cayn ka ah dhan ka afka/luuqaddaha loo yaqaan cajamiga, ama aan ahayn luuqad Carabi ah.

Waa in aad ogsoonaataa in afka/luuqadda Carabiga ah iyo dhammaan afka/luuqaddaha kale ee dunidu in ay ka kooban yihiin oo kali ah labo midkood 1. Cajami ama 2. Carabi.  Afka/luuqaddaha kale ee cajamiga ahi dhammaantood waxay isku dhaafeen/horumareen sida muwadiniin-toodu u kala buun-buuinyaan.

Waxaan dareensan ahay in dadku khaldamaan ama saxmaan, laakiin luuqad markeeda hore maaha khalad sii jiray oo lagu caayo, waxayse ay la micno tahay hadal qof ku hadlay isagoo wanaag ama xumaan u adeegsaday markaas ayaa xukun-keedu iman karaa oo qofkaas la xukumayaa, waa in aad og-soonaataa cidda khaldan taa in ay tahay qofka iyo dadka, sidaas wax la mid ah hadal ka xaaraam ah iyo kan xalaasha ah.

Ku hadal ka luuqadduna ama barashadeedu waa mid loo wada siman yahay ee maaha mid cid gaar ah leedahay, qofka adeegsadaa yeelkiis, mudanta afka/luuqadduhuna waa Carabiga oo arrinkaas muran kama taagna. Taas waxa u dhigan taa in luuqad kasta ay ku jirto cay, amaan, ceebayn iyo kelmado wanaag ah, qofkasta waxa la gudboon luuqaduu doono ha ku hadlee in uu sidaas isaga ilaaliyo ku hadal ka kelmadahaas, oo uu usoo kala dhoweysato sida ay u kala wanaagsan yihiin Diin ahaan iyo dadnimo ahaan, aakhiro waxa lagugu xisaabayaa sidaad kelmadahaas carabkaagu u adeegsaday abkaad doontid ahow, waana arrinka aad ku mudan doonto Janno ama Naar, ee maaha afka/luuqaddaad ku hadasho.

Qeexitaan ka Af

Waa habka lagaga fal-celiyo waxaad uurkaaga ama niyaddaada ku hayso, adoo kula xidhiidhaya dadyow kale ama koox gaar ah, sidoo kale kuu muujinaya falcelintaada hadal, ama qoraal, adeegsanayaa hanaan dhawaaq, calaamado ama dhigaal. Dhanka kale luuqad waa hanaanka isku-xidh ka af kaar ta kala duwan iyadoo lagu hagaayo hab is-fahan, waana halka dadku kaga duwan yahay Xoolaha iyo noolaha aan hadlin.

Xagey na gaadhsiin luuqad qalaad?

Afka/luuqadda kasta oo aad baran karto waa waajib ku saaran qofka Muslimka ah haddii aad awooddo, waayo afka/luuqaddaha kale ee aanad u dhalan waa in aad ogaataa in uu ku hadlo qof bani-aadam ah oo aan Islaam ahayn, kaas oo u baahan in u fahmo raxamadda diinta Islaamka, muwaadin haddaad ku cilmi dhaanto qof kale waa kugu waajib in aad gaadhsiiso hal karaamka iyo faa’iidada Diinta Islaamka ah, haddi aanad aqoon afka/luuqadda uu ku hadlaayo waxba uma sheegi kartid kamana dhaadhicin kartid bad-baada uu u baahan yahay.

Tusaale ahaan afka/luuqadda Ingriisiga waa afka adduunka hadeer dadka ugu tirada badan ay ku hadlaan,  badankoodu, dadkaas ku hadlaa maaha dadka Islaamka ah, waa dad u baahan gurmad, dadkaasi waxay raadinayaan raxmadda iyo xasiloono diimeed, cidda u baahan in ay hagtaa waa dadka ku hadla luuqadaha kale sida Carabiga iyo Afsoomaaliga, haddiise lagu tilmaamo in  ay tahay luuqad gaalo oo inaan la baran ama laga fogaado, is-waydii  yaa dadkaas gaadhsiinaya in ay caqiidadii fahmaan?, wax ka masuul ah qofka ka gaab-shay wasiiladii uu ku gaadhi lahaa haddii uu tamraayay.

Rasuulkeena suuban NNKHA mid ka mid ah asxaabtiisa waxa uu ku amray in uu barto afyuhuudeed-ka. Sabab tuna, waxay ahayd Rasuulkeena NNKHA waraaqaha ay Yuhuudda u dirayaan, in loo helo  awood xirfadeed oo luuqadeed,  muhiimaddu waxa weeyaan in ay qoran karaan, halka qof kale oo aan Islaam ahayn ay u dirsan lahaayeen, sirtooduna dibedda u bixi lahayd, ama uu khayaamo qoraal samayn lahaa qofka Yuhuudiga ahi.

Halkaas, waxaan ka dhuganaynaa/dheehanaynaa in cilmiga iyo afka/luuqaddaha kale, waa in aan sharafteena ku difaacano, marka xigtana aan ku gud-bin karno dhambaalka Islaamka ah ee aynu xambaarsan nahay.

Fa’iidooyinka Kale ee aay leeyihiin Barashada Aka/luuqaddaha Qalaad.

  1. Waxaad la kulmaysaa dad cusub oo dunida ku nool, kuwaas oo leh khibrado kala duwan iyo fahan kale oo ay haystaan.
  2. Socdaalada dhaadheer marka uu qofku galo waxay fududeysaa in aad dunida meel badan si fudud u tagi karto, sidoo kale fahmi karto hagayaashaas.
  3. Waxay xoojisaa dhammaan xasuusaha iyo xifdiga qofka maskaxeed, sidoo kale waxay dhistaa awoodda qofka ee qabashada shaqooyin kala duwan.
  4. Sidoo kale waxay xoojisaa go’aamada uu qofku qaadanaayo, madaama uu dunida wax ka fahansan yahay.
  5. Ugu dambayn waxay dhistaa barashada cilmiyada ku kala qoran kutubta kala duwan.

Fa’iido darrida ay leedahay waxa ka mid ah, in afka/luuqaddaha kale dhimmaan awoodda aqooneed ee aad u lahaayd afka/luuqaddaada hooyo, sidoo kale carabkaaga oo la qabsanaya afka/luuqaddaha kale, waxa sidoo kale dadka qaarkood aaminaan luuqadaha qaarkood in ay yihiin sharaf gaar aha sida Ingiriisiga, waa in aad ogaata in ay tahay sad dheeri raadin ee aanay ahayn daruuri sida, carabiga oo kale.

Gebo-gabadii, haddii luuqad ka baxsan afka/luuqadda Carabigu xaaraan tahay, waa in aad ogaataa afka Soomaaligu maaha Carabi,  waxay meel kula jirtaa afafka kale ee dunida ka jira, xaajadu waxay u baahan tahay in aan fahano hadaf-kaan u barano, waxaana bad-baado iyo gaadhsiin u baahan intaas oo milyan oo dad aan islaam ahayn, kuwaas oo ay ku jiraan wax magarato iyo dad nugul,  kuna hadla luuqado qalaad, loona baahan yahay in la bad-baadsho.

Haddaba waxaan aaminsan ahay in afka qalaad uu qayb ka yahay kobcinta garaadkeena iyo garshadeena ku salaysan xidhiidhka Aadmaha iyo is-gaadhsiinta waajibaadka Alle ina saaray.

Waxa qoray: Xasan Cabdi Shire