Madaxweyne-ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” ayaa maanta waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay madaxa ugu sareeya Mashruuca Horumarinta Dawladdaha Hoose ee had iyo jeer caawiyo horumarinta dawladda hoose ee badi ka socda magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.
Mashruuca Horumarinta Dawladdaha Hoose oo oo ka shaqeeya horumarinta dawladdaha hoose iyo maamul daadejinta ayaa waxa uu Soomaliland ka bilaabmay sannadkii 2008-dii, mashruucan oo ay ku bahoobeen shan ha’yaddaha Qaramad Midoobay ee UNDP, UNICEF, UNCDF,ILO iyo UN-HABITAT .
Mashruuca Horumarinta Dawladdaha Hoose ayaa waxa uu ka shaqeeyaa kor uqaadida awoodaha iyo xifadaha dawladdaha hoose iyo in ay bixiyaan adeegyo hufan iyadoo dhinac ay ka tahay in la hirgaliyo siyaasada maamul daadejinta ee uu golaha wasiiradu ansixiyeen dhammaadkii sannadkii hore.
Mashruuca Horumarinta Dawladdaha Hoose ayaa waxa uu ka socdaa 8 degmo kuwaas oo kala ah Hargaysa, Berbera, Borama, Burco, Shiekh, Gabilay, Oodwayne iyo Saylac.
Haddaba wefdigan oo uu hor kacayo Maamulaha sare ee Mashruuca Horumarinta Dawladdaha Hoose Poul Simkim oo ay ku weheliyaan madax kale oo ka tirsan saraakiisha ugu sareeya ayaa saaka kulan la yeeshay Madaxwayne-ku-xigeenka ahna Guddoomiyaha Mashruuca Horumarinta Dawladdaha Hoose iyo Maamul daadejinta ee soomaaliland oo ay ku weheliyaan xubno ka socda Wasaaraada Arrimaha Guddaha oo kala ah Wasiir-ku-xigeenka Gobollada iyo degmooyinka Jaamac Cabdale Warsame iyo Agaasimaha Guud Cabdifataax Siciid Axmed.
Ujeedada kulankan aya waxa ugu muhiimsanaa in la qorsheeyo sannad hawleedka 2016 iyo sidii loo horumarin laha mashruucan iyo sidii loo gaadhsiin lahaa guud ahaan Somaliland.
Ugu danbayntii Madaxweyne-ku-xigenka Cabdiraxman Saylici ayaa waxa uu sheegay in uu marka hore u mahad naqayo qaadhaan bixiyeyaasha Mashruuca Horumarinta Dawladdaha Hoose taageera oo uu ku tilmaamay in ay ku bixiyaan lacag aad u badan, ugana ,ahad celiyay taageerada ay siiyaan Somaliland.