Maxkamadda Caalamiga ee dambiyada oo joojisay dacwadii loo haystay Madaxweyne-ku-xigeenka Kiiniya

Garyaqaanada Maxkamadda Caalamiga ee dambiyada ayaa joojiyay dacwadii loo haystay Madaxweyne-ku-xigeenka Kiiniya William Ruto iyo wariyaha Joshua Sang.

Joojinta dacwadan ayaa waxay ka dambaysay kadib markii faro-gelin lagu sameeyey markhaatiyaashii dacwadan.

Labada nin ayaa beeniyay eedeeymaha loo haysto, oo ah dambiyo ka soo horjeeda bani-aadanimada kuwaas oo la xidhiidha dad laaayey oo gaadhay 1,200 oo qof kadib qalaalisihii ka dhashay murankii doorashadii 2007-dii.

Dacwad oogayaasha ayaa joojiyay eedeymo noocan oo kale ah oo loo haystay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

bandhige@gmail.com