Madaxweyne Siilaanyo waxa uu shir la qaatay madaxda Gobolka , xadhiga ka jaray mashaariic dhowr ah

????????????????????????????????????

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” iyo weftigii uu hoggaaminaayey oo xalay u hoyday Borama ayaa maanta mashaariic dhawra ka fuliyey gudaha Boorama, shirna la qaatay isu-duwayaasha gobolka, madaxdhaqameedka iyo guddida abaaraha.

Iyadoo Madaxweynuhu uu kulamo la yeeshay guud ahaan maamulka gobolka, madaxdhaqameedka, guddida abaaraha ee gobolka Awdal, shirkaas oo lagu lafaguray sidii qorshe midaysan looga yeelan lahaa xaalada abaareed ee gobolka ku habsatay iyo sidii diirada loo saari lahaa talaabooyin ku talogal ah haddii ay mardanbe dhacdo abaartan mid la mid ahi.

kulankaas oo madaxweynuhu Guddoominayey ayuu ku amray in aan laga gaabin haddii roobab da’aan iyo haddii aanay goobaha qaar kahoorin daruurtu cirka ee hadda uun curatay, gurmadka iyo dedaalkana halkaa laga sii wado, madaxdhaqameedka iyo guddida abaaraha, maamulka gobolka iyo ka degmada iyo isu-duwayaasha gobolka oo halkaa ka hadlayna waxay si weyn u soo dhaweeyeen dhawaqa madaxweynaha ee uu abaaraha ka muujiyey, waxanay balan qaadeen in ay si laban-laabi doonaan dedaalkooda, kulankan oo habeenkii xalay ahaa ka qabsoomay Hudheelka Rays Borama ayaa ahaa mid ku soo xidhmay isfahan iyo wada jir salka ku haysa sidii meel loogaga soo jeedsan lahaa danka shacbiga iyo ta qarankaba.

dhanka kale Subaxnimadii hore ee maanta ayuu madaxweynuhu mashaariic dhawr oo kala duwan qaarna xadhiga kaga jaray, kuwo kalena uu kormeer ku sameeyey, waxaanay kala ahaayeen sidan:-

  1. Dhisme cusub oo loo dhisay ciidanka booliska, gaar ahaan xarunta dembi-baadhista iyo tababarka ee gobolka Awdal oo Madaxweynuhu xadhiga ka jaray.
  2. Xarunta wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Miyiga oo loo dhisay dhisme cusub oo Madaxweynuhu iyana xadhiga ka jaray
  3. Madaxweynuhu waxa kale oo uu xadhiga ka jaray xarunta dabdemiska gobolka Awdal

Sidoo kalena waxa uu madaxweynuhu kormeeray dhisme laba dabaq ah oo wasaaradda Maaliyaddu u dhistay gobolka, kaas oo wakhtigan ku dhaw dhammaad, waxa kale oo uu Madaxweynuhu goobjoog ka ahaa laba gaadhi oo nooca gurmadka degdega ah ama ambalaas oo wasaaradda Caafimaadku ku wareejisay Guddoomiyaha gobolka si ay qayb uga ahaadaan dadka abaaruhu saameeyeen.

Dhinaca kale waxa uu Madaxweynuhu iyana uu goobjoog ka ahaa taangiyo biyood oo midkiiba qaadayo 100 foosto ama 50 foosto oo biyo ah, kuwaas oo wasaaradda xanaanada xooluhu ugu talogashay dadka ay abaaruhu ay barakiciyeen ee biyo la’aanta iyo baad la’aanta u leeday.

Ugu danbayna waxa uu Madaxweynuhu kormeer ku tegay cusbitalka guud ee Borama oo lagu magacaabo Aadan faarax Abraar, halkaas oo Madaxweynuhu u soo kormeeray mid mid, dadkii ku sugnaa waadhadhka, isagoo Madaxweynuhu dadkii halkaa ku sugnaa ee xanuunada u jiifay Alle uga baryey in uu ka dulqaado xanuunka oo uu caafimaad sareecana ugu bedelo.

Intaanu Madaxweynuhu ka soo ambo-bixin Boorama waxa uu deeq ka kooban xoolo nool ugu deeqay bukaanka cusbitaalka guud iyo ciidamada.

Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa waxa ku soo guryo noqdeen Hargeysa.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

bandhige@gmail.com