Maalmihii u danbeeyey waxa dhegaha bulshada ku soo dhacayay muran u dhexeeya xildhibaanada golaha deegaanka Burco, kaasi oo sida xogaha ka soo baxayaa ay tilmaamayaan, arrimaha laysku maan dhaafay ay qayb ka tahay, xubno ka mid ah maamulka dawladda hoose oo doonaya in ay rag ganacsato ah ka iibiyaan guryihii line-ka booliska ee ku yaallay badhtamaha Burco iyo koox fikradaasi kasoo horjeedda, doonayana markaasi in aanay guryahaasi noqon hanti gebi ahaanba ka baxda gacanta dawladda dad shacab ahina iska yeeshaan, balse inta ay dawladda hoose dib-u-dhis ku samayso loo rogo dhisme suuq-ganacsi, kadibna ganacsatadaasi ay dawladda hoose kiro ka qaado, sida suuqa Gobanimo ee magaalada Hargeysa oo kale.
Kolka ay sidaasi tahay waxa haddaba lagama maarmaan aan u arkay baahida loo qabo in wax laga iftiimiyo is maan-dhaafka dhex yaalla labada dhinac ee maamulka deegaanka Burco, oo xudduntiisu tahay dhismaha guryahaasi booliska ee badhtamaha Burco. Hadda waxa iswaydiin muddan in aynu iswaydiino su’aalaha:-
1-Kooxdee saxan?
2-Dhinacee khaldan?
3-Guryahani maxay yihiin?
4-Goorama ayaa la dhisay?
5-Yaa dhisay?
6-Waa ayo cidda loo dhisay?
7-Yaa leh mulkigooda?
8-Masuuliyad-doodu ma dawladda hoose ayay saaran tahay, mise dawladda dhexe?
Dhammaanba su’aalahaasi waxay u baahan yihiin jawaabo ku filan oo shaafiya ummadda, sidaasi awgeed bal aan isku dayno intii karaan ah hal-hal tafsiir uga bixinno:
Waa ta koowaad’e khilaafka golaha deegaanka kasoo if baxay khaasatan qodobkan ku saabsan hantida guryaha booliska ee aynu mawduucan kaga hadlaynaa,wuxuu banaanka u soo saaray, badownimada, axmaqnimada, lexojeclo-darada, jaahilnimada, waaya-aragnimo la’aanta,g anacsato-nimada, han-la’aanta, aragti-gaabnaanta, yool-la’aanta,iimaan-la,aanta, baahida, boobka indho-la‘aanta ah iyo inta halbaas ee ay ku sugan yihiin gole ku sheeg-gaasi.
Doodda dhex taalla xubnaha golahan waxaan runtii ku tilmaami karaa dood jaban, raqiis ah oo aan mudnayn in wakhti lagu lumiyo, sababta oo ah waxa muuqata in ay labada dhinac ee golaha deegaanka Burco, is dhacsiiyeen hummaag been ah gudcur madowna gudayaan, maadaama ay ku loolamayaan hanti qaran oo aanay haba yaraatee wax shuqul ah ku lahayn.
Guryahani waa hanti guud oo Qaranku leeyahay, marka labaadna waa hanti gaar ah oo ay leeyihiin ciidanka booliska Somaliland.
Waxa loogu talo galay in ay degaan ama ku noolaadaan askarta booliska khaasatan kuwooda xaaska ah, taasoo ah xuquuq ay leeyihiin maadaama mushaharka ay qaataan had iyo goor wada dabooli karin, daryeelka baahida qoyska iyo aqal uu ijaarto ama kiro ka bixiyo.
Dhismaha laynka booliska ee badhtamaha suuqa Burco, ayaa ka danbeeyey kadib markii loo baahday in la kordhiyo tirada intii guryaha ka jirtay gudaha xayn daabka qaybta booliska ee Ingiriisku ka tegay oo ciidanka kusoo koobnaatay, waxaana dhiskoodu la jaan qaaday aasaaskii dhismaha saldhigga dhexe ee ay isku goobta ka dhisan yihiin, taasi oo ujeedada ugu weyni ahayd in maadaama ay ciidankii aminga yihiin, goobta ay ka hawlgelayaan iyo goobta ay hoy ahaan u degan yihiin noqonin kuwo kala durugsan xaaladaha amni ee had iyo jeer xaasaasiga ah awgeed, gurmad-ahaanna ay kasoo gaadhi karaan haddii xoojin ama difaac midkay doonto ha ahaatee loo baahdo, sida dawladdii Ingiriiskuba xafiisyada booliska iyo xaafadaha ay ku hoydaan isku xayndaabka uga dhigteen(dhinaca woqooyi ee Isbitaalka weyn ee Burco).
Waxa la bilaabay sannadkii 1975-kii, xilligaasi oo hawlgalka dhismahoodu kusoo beegmay wakhtigii dawladdii millateriga ahayd ay goobaha danta guud uga faa’iidaysan jirtay barnaamijkii (iskaa wax u qabso) kaasi oo dhismahooga lagu meel mariyay dhammaanba xarumaha hayadaha dawladda, dugsiyada waxbarasho iwm ee degmooyinka guud ahaan dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya waa (Somaliland iyo Soomaaliaya’e).
Hawlgalkan dhismaha saldhigga dhexe, laynka booliska Burco iyo sariibadda qaybteeda hilibka,oo uu hor kacayey badhasaabkii gobolka ee wakhtigaasi, waxa fulintooda ka qayb qaatay dhammaanba dadkii xiligaasi degganaa Burco haddii ay tahay qaybaha ciidamada, hooyooyinka, ardayda, shaqaalaha-dawladda, dadka suuq joogga ah iyo guud ahaanba shacbigii ku dhaqnaa wakhtigaasi Burco, waxa intaasi dheeraa oo xooggii ka qayb qaatay oo ka mid ahaa, kolka laga yimaaddo dad waynihii degganaa gudaha magaalada, dadkii kale ee iyagu reer guuraaga ahaa ee xoolaha usoo iib geysanayey Burco, maadaama ay shardi ahayd in qof kasta oo dariiqa socdaa qadar ka mid ah wakhtigiisa ku bixiyo, shaqada dhismaha, kuulina markaasi ka noqdo hawsha socota, (waa kolka ay xoolaha iibiyaan ee ay guddaha magaalada ka muraadsanayaan’e.
Dhismahan oo ka koobnaa 16 guri oo saddex layn ahaa, ayaa geesta kale iyadoo lagu xisaabtamayo, baahida dhisme ee iman karta, waxa loo reebay dhul kayd ah, si haddii ay lagama maar-maan noqoto qaybo kale looga dhiso, dhulkaasi oo loogu reebay inta u dhaxaysa waddada dhanka bari ka marta saldhiga booliska iyo guryaha laynka, halka barxaddaasi ama dhulkaasi kaydka loogu reebay aqalada booliska waxa keliya ee dhanka woqooyiga kasoo eegayaa uu ahaa dhisme bakhaarro hangar ah oo uu lahaa ganacsade Indhadeero,(waa goobta ay wakhtiyadan danbe fooqa ka dhigteen’e).
Dhulkaasi aan ka soo hadlay ee kaydka xaafadda boooliska ahaa waxa la ii sheegay in ilma Indhadeero ka dhigteen barxad ay gaadiidkooga dhigtaan.
Xaafaddiina waxa wararkii ugu danbeeyey sheegayaan in lagu wareejinayo ganacsato oo suuq ganacsi loo rogayo, mashruucaasi oo ay wataan wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexaan oo ku adeeganaya Maayarka iyo xubno golihiisa ka mid ah, kuwaasi oo iyaga iyo wasiirka oo dhinac ka ah nin ganacsade ah ay qayb ka yihiin dadka lagu wareejinayo.
Haddaba mushkiladda taagani waxay tahay ciidankii booliska ee hantidan iyagu lahaa oo arkaya waxa dhacaya isla markaana ciil dibnaha ruugaya ayaan ka hadli Karin xaaladan cakiran, waa run oo kama hor iman karaan xukuumaddii ay ka midka ahaayeen, shir jaraa,idna ma qaban karaan, rabshado ma abuuri karaan oo iyagaaba amnigii xil ka saaran yahay, ma eegan karaan boobkan ku dhacaya mustaqbalkii iyo aayihii ubadkooga iyo kii ummaddaba, cid u hadasha ma hayaan oo dadkii ka dhiidhiyi lahaa waa kuwaa iyagii lacagta ku baayacaya, axsaabtii mucaaridka hadday ka hadlaan waxay aaminsan yihiin in ay taageeradii ganacsatada ku waayayaan, hoggaankii sare ee booliska, Madaxweynaha may waydiin arrinkan in uu ogolaaday iyo inkale, ilayn waxaaba dhici karta in aanu wax xog ah ka haynin sida arrintii iibka Birjeex oo kale’e.
Si kastaba ha ahaatee xaaladdan wareejinta guryaha booliska ee badhtamaha Burco ayaa ku noqotay indheer garadka bulshada ee dibedda, guddaha dalka iyo waayeelkii soo jireenka ahaa ee ciidanka booliska xaalad aan la liqi karin, meel ka dhacna ku ah sharafta, taariikhda iyo sumcad wixii uu lahaa Madaxweyne Axmed Maxamed “Siilaanyo” haddii aan degdeg tallaabadaasi dib looga noqon.
Gebagebadii Madaxweynaha waxa la gudboon, in uu iska qabto oo aanu cidna uga haybaysan ashkhaasta ku hawlan magac-dilkiisa.
Waxa Qoray: Xasan Jaamac Qaalib “Dhako”
Hargeysa