Xoghayaha Qaramada Midoobay Ban Ki Moon oo noqday masuulkii ugu horeeyey ee ajnabi ah ee khudbad ka jeediya kulan ayaa lahaayeen baarlamaanka Ustari ayaa waxa uu walaac weyn ka muujiyey sharci ay baarlamaanka Ustari meelmariyeen. sharciyadii ugu adkaa ee Yurub ay ka soo saarto arrimaha socdaalka.
Baarlamaanka ayaa goโaamiyey in la xidho xadka uu dalkaasi la leeyahay Talyaaniga.
Madaxtinimada Ustari ayaa waxa dhowaan ku guulaystay Norber Hofer oo ah nin siyaasadiisu dinaca midigta ay jirto, dadka soogalootiga ahna ka soo jeeda uu ku guuleystay saddex meeloodo hal meel codadkii dadka.
Doorashada ayaa waxa mar labaad lagu bisha dambe. Ban Ki moon oo arrimaha socdaalka ka hadlaya ayaa sheegay in uu dareen adag ka qaaday naceybka loo hayo dadka ajaanibta ah. Isagoo arrintaas ka hadlayan waxa uu yidhi:
โWaxa i cabsi galiyey naceybka sii kordhaya ee ka jira halkan iyo meelaha ka baxsan dalalka Yurub, kaas oo hadda la yimid siyaasado adag oo dhinaca socdaalka, qaxootinimada ah iyo waliba halbeegyo diraya fariimo taban oo la xidhiidha sharciyada dalalka, kuwa hayโaddaha caalamiga ah iyo waliba kuwa Yurub.โ
Ban ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo dood furan oo Yurub ka dhacda, taas oo ku saabsan is dhexgalka. Waxa uu sheegay in hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub uu ugu baaqayo in ay ilaaliyaan mabaadiโdii horay iyaga u hagayey.
Sharciga cusub ee Arbacadii uu baarlamaanka Ustari meel mariyey ayaa qoraya in muhaajiriinta xadka laga celin karo saacad guddaheed, haddii sharci dejiyeyaashu ay u arkaan in nidaamkii guud khatar la galiyey.
Dalka Ustari waxa uu inta badan ahaa wadiiqad ay Jarmalka ugu gudbaan qaxootiga iyo muhaajiriinta ka imanaya Bariga Dhexe iyo Afrika. Hase yeeshee, dalkaas ayaa isagu haya ilaa 100 kun qof oo magangelyo doon ah ilaa xagaagii hore.
Iyada oo bilowgii dawladda dalkaasi ay soo dhaweysay qaxootiga, haddana waxay tirada dadka magangelyo doonka ee ay qaadanayso ku ekeeyeen 37,500. Ilaa bishii Janawari, balse waxa dalkaasi soo gaadhay in ka badan 16 kun oo dacwadood.
Austria ayaa sharciyo ad-adag ku soo rogtay isu-socodka, sida iyada oo bishii hore wadashaqeyn xidhida xuduudaha la sameysay dalalka Balkanska. Hadda waxa dawladda dalkaasi ay isu diyaarinaysaa xakameyno adag oo laga hirgaliyo xadka u dhexeeya Ustari iyo Talyaaniga ee Brenner Pass Alpine.